Friday 17 June 2016

Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay guddiga doorashooyinka


hassan
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shaaciyay guddiga doorashooyinka dalka ee heer federaalka ee sanadka 2016.
War-saxaafadeed ka soo baxa xafiiska madaxweynaha ayaa lugu shaaciyay guddiga doorashada guud ee dalka,taaso lugu ballansan-yahay inay dhacdo dhammadka sanadka.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer ka soo saaray magacaabista Guddiga Heer Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee sannadka 2016-ka,”sida waxaa lugu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Guddiga doorashada ee u magacaabay madaxweynaha,waxaa ay ka kooban-yihiin 22 xubnood ayaa lix ka mid ah ay yihiin haween, waxaana magacyada xubnaha ka mid noqonaya guddigan ay yihiin:-
1. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
2. Maxamed Jaamac Mursal
3. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen
4. Sahra Maxamed Cali Samatar
5. Maxamed Cabdi Xayir
6. Saalax Axmed Jaamac
7. Maxamed Keynaan
8. Nafiisa Geedi Santuur
9. Cabdiraxmaan Xabashow
10. Baarliin Cadami
11. Cabdiweli Xersi Cabdulle
12. Saadiq Abshir Garaad
13. Aadam Ibraahim Aw Xersi
14. Cabdicasiis Sheekh Xuseen
15. Cabdiraxmaan Aadan Sate
16. Maxamed Cabdi Nuur
17. Xuseen Qaasim Yuusuf
18. Cabdullaahi Salaad Yaroow
19. Axmed Maxamed Saciid
20. Fardowsa Maxamed Ducaale
21. Aamina Cabdullaahi Dheerow
22. Raaxo Maxamed Janaqow
Guddigan waxaa hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan, jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.
Dhinaca kale,waxaa guddigan markiiba ka soo horjeestay qaar ka mid ah dhinacayadda siyaasadda Soomaaliya oo sheegay guddiga inuu yahay mid uu magacowday madaxweynuhu,maaddama guddiga ay ku jiraan xubno ay madaxweynaha isku dhow-yihiin.
___
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...