Friday 17 June 2016

Puntland oo sheegtay kooxaha fuliya dilalka ka dhaca Gaalkacyo inay u baxsadaan koonfurta oo Galmudug ka tirsan (Dhagayso)


16Gaalkacyo (RBC Radio) Duqa degmada Gaalkacyo, Cabdicasiis Jaamac Guuleed ayaa si cad u sheegay dadka ka geysta dilalka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland inay u baxsadaan koonfurta magaalada oo Galmudug ka tirsan.
Guddoomiyaha ayaa si guud uga hadlayay ammaanka magaalada Gaalkacyo,waxuu sheegay saddex fal oo magaalada ka dhacay in lugu dilay dad muhiim u ahaa gobolka,xilligana ay wadaan dadaallo lugu sugayo amniga guud ee xarunta gobolka Mudug.
“Waxaa dhacday saddex fal oo lugu dilay dad muhiim u ahaa gobolka,Lakin waxaa jirta in dadka dilalka geysta ay u baxsadaan xaafadda Baraxley,haddana waxaa socda dadaal lugu sugayo amniga,”ayuu yiri duqa degmada Gaalkacyo.
Dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo ayaa ku kooban waqooyiga oo ay Puntland ka taliso,waxaana dhowr mar ay Puntland sheegtay dadka dilalka ka geysta waqooyiga inay hoy ka dhigtaan koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay u baxsadaan marka dilalka la fuliyo.
Hoos ka dhageyso duqa degmada Gaalkacyo

Audio Player

__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...