Saturday 11 June 2016

Puntland: Ciidamo xiray xarunta dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo


Askarta gadoodka sameysay oo xarunta dowladda hoose hor fadhida/Jariibannews
Askarta gadoodka sameysay oo xarunta dowladda hoose hor fadhida/Jariibannews

Gaalkacyo (RBC Radio) Ciidamo gadoodsan ayaa maanta diidey in lugu shaqeeyo xarunta dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo,sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada.
Xilli hore oo saakay ah ayaa la arkayay ciidamo badan oo dhooban xarunta dowladda hoose oo ku taalla xaafadda Garsoor,kuwaaso ka gadoodsan mushaaradkooda oo ka maqan ku dhawaad sanad.
“Saakay waxan halkan u joognaa,waa xaqeenii oo dowladda ku maqan siddeed bilood,mana jirin muddada wax mushaar ah oo an qaadanay,”ayuu yiri sarkaal u hadalayay ciidamada gadoodey ee dowladda hoose.
Xildhibaan Maxamud Jibriil oo kamid ah golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa u shegay warbaahinta gudaha in cabashada ciidamada taagnayd muddo dheer islamarkaana aysan jirin xuquuq la siiyo shaqaalaa xaruntaasi, wuxuuna intaasi raaciyay in dakhliga degmada loo maamulay siyaabo khaldan.
Waxuu sheegay xildhibaanka oo la hadlayay idaacadd Radio Garoowe,inay kula xisaabtameen Kalfadhigoodi u dambeeyay, waxaana taasi ku cadaadtey in lacag badan la dhunsaday.
Guddoomiyaha deg. Gaalkacyo
Guddoomiyaha deg. Gaalkacyo
Hay’adaha ku shaqada leh wax ka qabashada musuqa iyo wax kaqabashada dowladda hoose ee Gaalkacyo, ayuu Xildhibaan Maxamed Jibriil sheegay inay waqti hore u gudbiyeen qaabkii howshan wax looga qabn lahaa, balse aysan wali wax tallaabo ah qaadin.
Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo,Cabdicasiis Jamac Nugal oo si kooban uga hadlayay eedeymaha iyo gadoodka shaqaalaha dowladda hoose,waxuu sheegay inaysan jirin shaqaale gadooday, balse ciidamo yar ay cowdeen arrintooda la xalliyay.


    Waa markii ugu horreysay oo shaqaale ka tirsan dowladda hoose ee Gaalkacyo ay ka gadooden mushaar la’aan,marka dib loo eego tobankii sanno ee ugu dambeysay.
    __
    RBC Radio

    No comments:

    Why cows may be hiding something but AI can spot it

      By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...