Monday 4 July 2016

Wasiirka Caafimaadka oo Xilka la wareegay+sawiro


 
435
 
0
SHARE 
Muqdisho(SONNA)-Xaflad xilwareejin ah oo maanta ka dhacday xafiiska R/wasaaraha Xukuumada Federaalka soomaaliya ayaa waxaa xilka la wareegay wasiirka cusub ee Wasaarada caafimadka Mudane Maxamed Xaaji C/nuur.
Xafladka xilwareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka wasaarada Cadaalada ahna ku Simaha R/wasaaraha iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaarada caafimadka.
Wasiirka Cadaaladda ahna kusimaha R/wasaaraha Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka jiir oo kulanka xilwareejinta ka hadlay, ayaa bogaadiyay howshii Qaranka Soomaaliyeed ay u soo qabatay Marwo Xaawa Xasan Maxamed, isagoo sidoo kalana Wasiirka Cusub ee Xilka la wareegay kula dar-daarmay wasiirka cusub ee xilka la wareegay in uu guto shaqadiisa si ay ku jirto daacadnimo iyo hufnaan,waxaana jiri doonta isla xisaabtan dhab ah sidaas waxaa yiri Mudane ilka jiir.
Ugu danbeyntii mudane ilka jiir waxuu u mahad celiyay wasiirkii hore ee Caafimadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed asigoo ku amaanay waqtigii ay shaqada haysay in ay ka soo dhalaashay waajibadkii saarnaa,waxa uuna ka codsaday Marwo Xaawo in ay la shaqeyso wasaarada caafimadka.
cafimad1
cafimad2
cafimad3
cafimad5
cafimad6
cafimadka4
Isha SONNA

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...