Monday 4 July 2016

Wax ka ogow taarikhda guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee degmada Gaalkacyo


Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumey)
Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumey)
Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa kala diray golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo,waxuuna magacaabay guddoomiyaha degmada oo si kumeel-gaar ah u shaqeynaya.
Madaxweyne Cabdiweli,waxuu xilka guddoomiyaha u magacaabay inuu sii-hayo,aqoon-yahan Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumey) oo horay ula soo shaqeeyay Puntland.
Muddada lugu soo dhisayo golaha deegaanka cusub ee degmada oo dooranaya guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa shaqada maamulka sii wadaya,Maxamuud Tumey.
Raxanreeb ayaa si kooban idin ku soo gudbinaysa taarikhda guddoomiyaha iyo waayihiisa siyaasadda:-
Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumey),waxuu ku dhashay degmada Jariiban ee gobolka Mudug,waxuuna waxbarashadiisa dugsiga Hoose iyo Dhexe ku soo qaatay dalka Itoobiya,isagoo markii dambe ku soo laabtay magaalada Gaalkacyo,halka oo u waxbarashada dugsiga sarre ku qaatay dugsiga faca-weyn ee Cumar Samater.
Waxuu waxbarashada Jaamacadda u tagay dalka Hindiya,gaar ahaan magaaladda Hyderabad halkaas uu ka qaatay shahaadada “Bachelor of Arts” wuxuuna bartay qaybta dhaqaalaha iyo siyaasadda, sanadihii 2002 illaa 2005. Wuxuu ka qalin jabiyey Jaamacadda ugu facaweyn Asia ee Osmania University.
Markuu soo dhammeystay waxbarashada,Maxamuud Yaasiin waxuu waayihiisa siyaasadda ka billaabay oo u noqday,agaasimaha madaxtooyada Baydhabo ee dawladdii,madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed,sanadii 2006 ilaa 2009 January. February 2009 waxuu la-taliye noqday (Consultance) ka noqday mashruuc dib uqaabayn loogu samaynaayey Police ka Soomaaliya waxuuna kala shaqaynaayey UNDP…. Wuxuu u shaqeeyey hay’adda Relief International 2010 illaa 2012.
Kaddib,waxaa loo magacaabay sanadka markuu ahaa 2013,xog-hayaha safaarada Soomaaliya ee Italy (Rome), muddo marku shaqeeyay waxaa loo dalacsiiyey safaarada Belgium-ka ee Midowga Yurub (European Union).
Ugu dambeyntii,guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee degmada Gaalkacyo,Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumey) Waa muwaadin Soomaali,waxaa kalo uu heysta dhalashada dalka Sweden oo ka tirsan Yurub,Waxuuna ku hadlaa luuqadaha,Somalia,English,Amharic iyo luqada Swedish ka.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...