Tuesday 22 November 2011

Dib u Dhiska Golihii Murtida iyo Madadaalada oo loogu Yaboohay $60-kun (Sawiro)

Share
Muqdisho(RBC) Ka dib xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayey dib u soo nooleynta golihii Murtida iyo Madadaalada Muqdisho ee National Theatre ayaa madax ka tirsan DKMG iyo qeybaha bulshada rayidka waxay ku yabooheen lacag gaareysa $60,000 (lixdan kun doolar) taasoo dib loogu dayactirayo golaha oo dhismihiisu burbur ka soo gaaray 21-sano ee dagaaladu ka socdeen caasimada.
Dhaqaalahaasi ayaa la yaboohay shalay intii ay socotay xaflad lagu qabtay Golaha Murtida taasoo ay ka soo qeybgaleen madaxda DKMG, Xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir, dadweyne ka yimid degmooyinka caasimada iyo qaar ka mid ah abwaanadii iyo fanaaniintii Soomaaliyeed ee hobolada Waabari.
Waxaa sidoo kale golaha shalay lagu soo bandhigay ruwaayad kooban oo ka hadlaysay nabada iyo dhibaatada ummada ka dhaxashay colaadii sokeeye ee wadankeena burburisay tobanaanka sano. Ruwaayadaasi oo isugu jirtay heeso, majaajilooyin iyo sheekooyin dadka ka qosliyey marna ka nixiyay.
Madaxweyne Shariif oo goobta ka hadlay ayaa ku deeqay in $10,000 uu ka goyn doono miisaaniyada madaxtooyada laguna bixin doono dhismaha xarunta golaha murtida iyo madadaalada.  Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa isaguna sheegay in maamulka gobolka uu bixinayo $10,000.
Hay’ada CRD oo hadda dayactirka garoonka bilawday ayaa iyana ballanqaaday inay bixineyso $10,000. Halka degmada Wardhiiglay oo uu Tiyaatarku ku yaalo ay ballanqaaday 1,000 (kun doolar). Sidoo kale urur haween oo la baxay “Haweenka Bilic soo Celinta” ayaa iyana ballanqaaday $10,000.
Xafiiska raysul wasaaraha iyo xafiiska gudoomiyaha barlamaanka ayaa iyaguna la saaray min $5,000 (shan kun doolar). Sidoo kale mudanayaasha barlamaanka KMG ayaa min boqol doolar lagu qoray inay bixiyaan.
Dhaqaalahan ayaa la aaminsan yahay haddii si toos ah loo helo uu wax weyn ka tari karo dib u dayactirka golaha oo mudadii burburka burbursanaa kaasoo hadda lagu rajo weyn yahay in markale dib loo soo nooleeyo.

Dhanka kale abwaanada iyo fannaaniinta hadda ku sugan Muqdisho ayaa soo dhoweeyey dhaqaalahan loogu yaboohay dayactirka golaha murtida iyo madadaalada oo ahaan jiray meel ruwaayadaha iyo fanka Soomaaliyeed lagu hormariyo.
Fannaaniinta Soomaaliyeed oo ruwaayad nabadeed soo bandhigay
Madaxweyne Shariif, gudoomiyaha G/Banaadir iyo wasiiro daawanaya ruwaayada

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...