Monday 21 November 2011

Madaxtooyada DKMG Soomaaliya oo Shaaca ka Qaaday inaysan War ka Heyn Soo Galitaanka Ciidamada Ethiopia


Share
Muqdisho (RBC) Afhayeenka madaxtooyada DKMG Soomaaliya Suldaan Cabdi ayaa sheegay in madaxtooyada DKMG aaney war ka heyn soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya.
Afhayeenku wuxuu sheegay in dawladaha deriska ah iyo DKMG Soomaaliya ay isku aragti ka yihiin la dagaalanka ururka Al-Shabaab oo hadda gobolo fara badan duulaan looga qaaday. Balse wuxuu intaa ku daray inuusan jirin wax xog ah oo dawladu ka heyso soo gelitaanka ciidamada Ethiopia.
Hadalka afhayeenka madaxtooyada ayaa soo baxay iyadoo gbolada Galgaduud iyo Hiiraan ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia kuwaaasi oo fariisimo ka dhigtay duleedka degmada Guriceel iyo Ceelgaal.
Dadka deegaanadan ku sugan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay arkeen cutubyo ciidamada Ethiopia oo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwa ciidamada qaada kuwaasi oo soo galay degmooyinka Guriceel iyo Ceelgaal.
Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada Ethiopia ay maanta kulamo la qaateen masuuliyiin ka tirsan ururka Ahlusuna, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadleen.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...