Tuesday 1 November 2011

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo Heshiis ku wada gaaray Magaalada Nairobi (AQRISO QODOBADA HESHIISKA)


Share
Nairobi (RBC Radio) Ka dib kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen raysal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali iyo Raysal wasaaraha wadanka Kenya Raila Odinga ayaa waxey kaga hadleen arimo badan.
Qodobadii lagu soo hadal qaaday kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa soo galitaanka ciidamada Kenya ee gudaha wadanka Soomaaliya iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen amaanka iyo waliba siyaasada.
Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa safaaxada la hadlay Raysal wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali wuxuuna sheegay in kulankaan uu ahaa mid muhiim ah isla markaana ay ka soo baxeen qodobo wax ku ool ah.
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay isku afgarteen asaga iyo waliba Raysal wasaaraha wadanka Kenya qodobo badan oo aad u wanaagsan.
C/wali Maxamed Cali ayaa wuxuu meesha ka saaray in asaga iyo waliba madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ay isku qilaafsanyihiin soogalitaanka ciidamada Kenya ee gudaha wadanka Soomaaliya.
Mr. C/wali ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay heshiis buuxa oo qodobo badan ka kooban ay wada gaareen dowlada Soomaaliya iyo waliba dowlada Kenya.
Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in lala wada dagaalamo ururka Al-Shabaab, iyo waliba in dagaalada ka socda gobalada ay hogaamiyaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya isla markaana ay ka qayb qaataan ciidamada Kenya.
In dowlada Soomaaliaya ay garab siiso wada shaqayna u muujiso ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya, iyo waliba in saro loo qaado xiriirka ka dhaxeeya dowlada KMG Soomaaliya iyo waliba dowlada Kenya.
Sidoo kale in laga shaqeeyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa magaalada Kismaayo isla markaana loo xiri lahaa Dekada Magaalad Kismaayo oo la aaminsanyahay in uu dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Al-Shabaab.
Iyo in ciidamo AMISOM ah la geeyo gobalada koofureed ee wadanka Soomaaliya oo ay iminka qaarkood ay ku suganyihiin ururka Al-Shabaab.
Caalamka ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay ka qayb qaataab dagaalada lagula jiro Ururka Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada KMG Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...