Sunday 20 November 2011

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Guddiga Wadajirka ah ee Roadmap ka



Muqdisho, November 20,2011-----Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga Wadajirka ah ee habraaca marxaladda kala guurka ah “Rodmap” 2011/2012. Dhaqangelintii Roadmap ka ayaa u socda si habsami ah iyadoo lagu guuleystay in wax badan laga qabtay howlahii uu tilmaamayey habraaca marxaladda kala guurka “roadmap” 2011/2012.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa in muddo ahba waday la tashiyo uu la sameynayey hay’adaha dastuuriga ah, iyo dhammaan qeybaha bulshada iyo gaar ahaan saxiixayaashii Roadmap ka ee ku hawlanaa dhaqangelinta Roadmap ka. La tashiyo fara badan ka dib ayuu Ra’iisul Wasaarahu waxuu soo dhisay guddiga wadajirka ah.

Guddiga Wadajirka ah waxuu ka koobanyahay Hay’adaha Dastuuriga ah, Puntland iyo Galmudug, Ahlu Sunna Wal-Jameeca (ASWJ), xubno ka tirsan Bulshada rayidka ah iyo khubaro. Guddigan ayaa waajibaadkiisu yahay diyaarinta qaabkii lagu dhaqan geli lahaa dastuurka cusub wuxuu kaloo  wadatashiyo uu la yeelan doonaa dhinacyada kala duwan, kana soo tala bixin doonaa qaabkii lagu sameyn lahaa dib u habeynta baarlamaanka iyo dhameystirka dastuurka.

Xubnaha Guddiga Wadajirka ah ayaa kala ah:-

 Cabdullaahi Axmed Calasow
Maxamed Cali Nuur
Salaad Axmed Caynte
Cabdi Saciid Farax (Juxa)
Cabdulqaadir Cabdi Xaashi
Engineer. Axmed Shirwac
Maxamed Diheeye Ismaaciil
Siraad Xasan Cali Xirsi
Cabdullaahi Cismaan Ducaale
Cabdullaahi Xaaji Xasan
Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen
Raba’o Sheekh Nuur
Maryan Aweys Jaamac
Dr. Cali Nuur Axmed
Engineer Sadik Mire Samantar

Guddigan ayaa hawshooda si deg deg ah u billaabi doono, si ay u qabsadaan hawsha uu farayo “Roadmap-ka. 


-DHAMAAD -

--
Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia
 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...