Sunday 20 November 2011

Garoonka Muqdisho iyo Wixii Aan ku Arkay (Warbixin+Sawiro)

Share
Muqdisho (RBC Radio) Mudo Afarsaacadood ah ayaan ku sugnaa gudaha garoonka diyaaraha Caalamiga ah ee Adan Cabdulle Cusmaan Adan Cade ee kuyaala magaalada Muqdisho, garoonka ayaa haatan waxaa laga dareemayaa is badal aad u balaaran.
Dhan walba oo aad ka eegto garoonka waxaad dareemeesaa in uu jiro isbadal balaaran oo ku aadan dhanka hormarka oo uu ku tilaabsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Dhanka Bilicda iyo dhismaha Garoonka.
Waxaad dareemeysaa in ay wax badan isla badaleen waxaa jira dhismayaal badan oo lagu kordhiyay garoonka Muqdisho sida Xafiisyo iyo dhismayaal kale oo badan.
Garoonka iyo dhismihiisa wax badan ayaa iska badalay sidii uu horay u haan jiray waxaana haatan aad dareemeysaa in bilicdiisa ay aad u qurux badan tahay marka aad gudihiisa ku jirtid.
Waxaa la sameeyay qaybo kala duduwan oo aad u badan kuwaasi oo ay diyaarada ku sii sugaan rakaabka doonaya in ay safarada u baxaan oo ka duulaya Muqdisho.
Dhanka Maamulka iyo Amaanka Garoonka.
Garoonka diyaaradaha ee Adan Cade waxaa maamulo shirkad Ajnabi ah taasi oo ah Shirkada SKA waxaa jira shaqaale badan oo cadaan iyo madow isugu jira oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya garoonka, sidoo kale waxaa kuyaala garoonka Xafiisyo waaweyn oo ay leedahay shirkada SKA, sidoo kale garoonka waxaan ku arkay qalab badan oo ay leedahay shirkadaan sida gawaarida Dab damisyada ah, iyo gawaari kale oo yar yar iyo alaabo kale oo looga shaqeeyo garoonka.
Amaanka garoonka diyaaraha ee Adan Cabdule Cismaan Adan Cade waxaa mid aad u wanaagsan isla markaana in badan laga shaqeeyay waxaa amaanka wada sugaya ciidamo Soomaaliya ah iyo kuwo Ajnabi ah, sidoo kale waxaa jira dad badan oo dhar cad ah ama aanan wadan dharka ciidamada  kuwaasi oo si aad ah ula socda dhaq dhaaqa amaanka.
Waxaan doonayay in aan ka duulo  garoonka Muqdisho anoo ku sii jeeday magaalada Barbara ee maamulka Soomaaliland, intii aan dhameesanayay howsha safarkayga waxaa la kulmay ilaa iyo Shan meelood oo baaritaano ah, iyadoona meelaha qaar dadka lagu baarayay qalab, waxaana taasi ay muujinaysaa sida amaanka looga taxadarayo.
Inkastoo ay jiraan dhinacyadaasi badan oo hormar laga gaaray ayaa hada wali waxaa dareemeysaa in ay wax dhimanyihiin marka garoonka Muqdisho loo eego garoomada aduunka kuyaala.




Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...