Sunday 20 November 2011

Ciidamada Ethiopia oo Maanta Gaaray Degmada Guriceel

Share
Muqdisho (RBC) Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee soo galay dalka ay maanta gaareen degmada Guriceel.
Dad deegaanka ayaa u sheegay RBC Radio in 10 baabuur oo kuwa ciidamada qaada ah ay soo galeen magaalada ka dibna ay u gudbeen dhanka duleedka magaalada oo ay fariisin ka dhigteen.
Wararka dadka deegaanka laga helayo ayaa intaa ku daraya in tiro kale oo ka tirsan ciidamada Ethiopia ay ku sugan yihiin meel u dhow degmada Dhuusamareeb.
Saraakiisha ciidamada Ethiopia ayaa kulan la qaatay xubo ka tirsan maamulka Ahlusuna ee gobolada Dhexe, walow aan la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Dhanka kale gobolka Hiiraan ayaa laga soo sheegayaa in illaa 6 baabuur oo ay wataan ciidamada Ethiopia ay gaareen meel u dhow deegaanka Kalabeyrka oo ku dhow magaalada Beledweyne.
Soo galitaanka ciidamada Kenya ayaa ku soo beegmeysa ka dib markii Midowga Afrika uu codsaday in ciidamada Ethiopia ay caawiyaan kuwa Kenya si loo caabiyo ururka Al-Shabaab.
Illaa haatan DKMG Soomaaliya kama hadlin wararka ku saabsan soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...