Sunday 20 November 2011

Raysul Wasaaraha DKMG oo Maanta Booqashadii ugu Horaysay ku Tagay Suuqa Bakaaraha (Sawiro)

Share
Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha DKMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta markii ugu horaysay booqday suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoo ay booqashadiisa ku wehlinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada, saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka Banaadir.
Raysul wasaaraha ayaa soo indhadheeyay qeybaha kala duwan ee suuqa oo hadda si weyn loogu soo laabtay isla markaana uu ka socdo dayactir weyn oo ay wadaan ganacsatada.
Raysul wasaare C/weli Gaas ayaa markii uu tagay suuqa ka dib wuxuu hadal kooban meesha ku siiyay wariyaasha isagoo aad u amaanay sida dadweynaha ay uga shaqeynayaan amaanka, wuxuuna bogaadiyay in la sii adkeeyo nabadgelyada ka jirta suuqa.
Wuxuu ugu baaqay ganacsatada inay bixiyaan canshuurta “waayo canshuurta haddaan la bixin amaanka iyo horumarka suuqa lagama shaqeyn karo” ayuu yiri raysul wasaaraha.
Booqashada uu maanta raysul wasaare C/weli Gaas ku tagay suuqa Bakaaraha ayaa ah midkii ugu horeeyay ee uu raysul wasaaruhu ku tago suuqa tan iyo intii ay isaga bexeen ciidamada ururka Al-Shabaab suuqa bishii August ee sanadkan markaasi oo ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom ay la wareegeen gacan ku haynta suuqa.
Waxaa hore suuqa u booqday madax ka tirsan DKMG oo uu ugu horeeyo madaxweyne Shariif, xubnaha golaha wasiirada iyo saraakiisha amniga.  Sidoo kale waxaa suuqa ka hawlgala ciidamada amaanka iyo maxkamada ciidamada oo xafiis ku leh gudaha suuqa kuwaasi oo amaanka ilaaliya.

RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...