Monday 14 November 2011

Ictisaam oo Burbur qarka usaaran,Wadaado in ay ka baxaan laga yaabo iyo Warbaahintoodi oo galbatay.


on .
Ururka Al Ictisaam oo maraaxil kala duwan soo maray ayaa ku Fadeexadoobay garabsiinta maamulada Soomaaliya kajira ee gaalada u adeega kadibna wuxu galay marxalad Burbur ah.
Warbaahinta Islaamiga qeybaheeda kala duwan ayaa ku guuleysatay in ay Shacabka Soomaaliyeed Caama iyo Ahlu Cilmi intaba usoo bandhigto Acmaasha Al Ictisaam wixii ay ku saxnaayeen iyo wixii ay ku khaldameen. Golaha Baraaruga Islaamka iyo saxafiyiin Mujaahidiin ah ayaa Dhulka geliyay Rejadii ay Al Ictisaam ka lahaayeen helitaanka waqti ay kusii wedi karaan khiyaamadooda diimeed.
Aqoonyahano iyo qorayaal ayaa iyana waqti dheeri ah ku bixiyay sidii shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah uga wacyi gelin lahaayeen suntii ay Afuufayeen Wadaadadii Murji’ada Al Ictisaam.
Muddo ku dhaw Sanad Al Ictisaam maqaban Nadwooyinkii Fowdada ahaa ee lagu Ijaafeyn jiray culimada Rabaaniyiinta Soomaaliya iyo Mujaahidiinta jihaadka ka wadda Soomaaliya.
Koox kasta oo Khiyaanta ALLAAH iyada ayaa Burburta sababtoo ah Diinka ALLE waa baaqi mar walba helaya cid ka difaacda gaalada,Munaafiqiinta iyo Murji’ada.
Qoraaga Islaamiga ah ALLAHA Dhowree Ustaad C/waaxid Khaliif, Ustaad Faarax Deeq, Suldaan Maxamed Garyare, Suxufi C/weli Dalboon iyo Akhyaar kale oo aanan fasax u haysan in aan shaaciyo magacyadooda ayaa waxbadan oo Ictisaam u qarsoonaa feyday taasi oo keentay in Calankii Murji’ada oo Babanayay uu dhinac u dhaco.
 Warbaahintii Al Ictisaam oo Burburtay iyo Warbaahinta Salafka oo Kobacday.
Al Ictisaam waxay lahaayeen Warbaahin Internetka ku faafsan oo muddo sanada ah faafinayay warar iyo muxaadarooyin ay soo taxliiliyeen wadaadadii Al Itixaad ee markii dambe leexday.
Nadwooyinka siyaasadeysan ee lagu duro mujaahidiinta iyo salafiyiinta Jihaadiga ah waxay ahaayeen shan qabo oo shan soo daa Yacnii Isbuucna ma baaqan jirin sababtoo ah waxay heysteen suuq wanaagsan oo ay dadku ku khaldaan.
Magaalooyinka Burco, Garoowe, Boosaaso, Qardho iyo Waqooyiga Gaalkacyo ilaa Goldogob ayay Ictisaamku ku heysteen Bulsho waxa ay rabaan u sheegaan laakin maanta sidee xaal yahay? ALLE uun baa og.
Marka si loo eego Ictisaam iyaga ayaa isfashiliyay Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Umal iyo kuwa kale ayaa maxaafisha siyaasadda Soomaaliya kasoo muuqday waxayna la jahreen Khaladaad ay wada fameen dadka caamada Soomaalida.
Dhalinyaro ay soo carbiyeen ayaa gacanta ku hayay Dhowr Website oo Afka Soomaaliga wax ku qora sida Somalimirror, Somalirealy, Halgan.net IWM, markii ay ciidanka Itoobiya Muqdisho soo galeen ayna qabsadeen Koonfurta inteeda badan ayay Ictisaamku abuureen warbaahinta iyagoo ka faa’iideysanayay kacsanaanta dareenka Soomaalida ee Itoobiyaan naceybka ku dhisnaa xiligaasi.
Website-yada Ictisaamka wax wanaagsan way qabteen waxayse ku khaldameen in ay si liidata wax uga qorayeen wararka mujaahidiinta heer ay mujaahidiinta ku tilmaamayeen ” Kooxaha Diidan dowladda”, in sidaasi lagu qoro Mawaaqicdooda ceeb kuma ahan sababtoo ah Hogaanka Ururka ayaa Kooxda Shariif ugu Fatwooda dowlad islaami ah oo sharciga waafqsan.
Wixii ka dambeeyay Bayaankii kasoo baxay Ururkii Al-wifaaq  marada ayaa kasii dhacaysay Warbaahinta Al Ictisaam waxaana soo shaac baxay warbaahin xaqqa u adeegta oo aan Tandiim gaar ah raacsaneyn Rasaasta dagaal Ictisaam wuxuu ahaa “Daadinta dhiigga Muslimka” iyo “Khatarta Gaaleysiinta su’aasha ayaa ah Yaa daadiya dhiigga Muslimiinta? Yaase in dhiigga Muslimiinta oo la daadiyo difaacaya? Yaa la gaaleysiiyay? Yaase Gaalo ah? Jawaabahaas oo idil waa kuwa cad.
 Xiligan Halkee Wax umarayaan Al Ictisaam.
Khilaafaad ayaa ragaadiyay Odayaashii Al Ictisaam sida aan warar hoose ku helayno Wadaadada Ictisaam waxay qarka u saaranyihiin in ay Burburaan, dhibaatada ugu daran ee soo food saartay Ictisaamka ayaa kala ah Sedax arrin oo sida ay uga gudbaan ay adagtahay.
1-Kala aragti duwanaashiyo dhanka Manhajka ah wadaado caan ka ah Ictisaam dhaxdooda ayaa shaaciyay in ay kasoo horjeedaan duulaanka qaawan oo ay gaalada Afrika kusoo qaaday dalka Muslimka Soomaaliya.
Waxaa culimadaasi kamid ah Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf oo soo saaray Fatwo xoojinaysa dagaalka jihaadka ah ee ka socda Soomaaliya, Culimo caan ah ayaa ka baxay Ictisaamka waxaana kamid ah Sheekh Maxamed Barrow oo qeyb ka ah guddi culimo oo lafilayo in ay noqdaan golaha shuurada Mujaahidiinta Soomaaliya.
Arrinta Manhajka ayaa ah caqabadda ugu daran ee ku horgudban Ictisaamka wadaado markii hore diidanaa jihaadka Soomaaliya ayaa hadda ogol ugu yaraana kasoo horjeestay in maamul goboleedyada dalka kajira Fataawaad lasiiyo.
2-Fahamka Bulshada Soomaaliyeed ee Dhagartii Ictisaam waa qodob kale oo keenay fashilka Al Ictisaam, Bashiir Axmed Salaad, Nuur Baaruud Gurxan iyo Maxamed Idiris ayaa fashilka u horseeday Ictisaam kadib markii ay warbaahinta ka hor cadeeyeen in ay adeegayaal dadban u yihiin cadawga umadda.
3-AMISOM, Itoobiya, SL, PL, DKMG ah iyo dhinacyadii ay u shaqeynayeen oo cadeeyay in ay Ictisaam isku jaal yihiin waa qeyb  kamid ah jabka Ictisaamka, sanadkii tegay Afhayeenkii hore ee AMISOM Bariijiye Bahuuko oo wareysi siinayay Idaacadda IQK Muqdisho ayaa sheegay in ay saaxiiba yihiin Bashiir Axmed Salaad iyo Wadaadada Al Ictisaam.
Lasoco Qeybta 2-aad
By Wadaad Yare Muslim ah.
Somalimidnimo.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...