Monday 14 November 2011

Saraakiil iyo ciidamo Kenyaati ah oo lagu dilay Howlgal Khaas ah oo Ceel Waaq ka dhacay .


on .
Warar faah faahsan ayay SomaliMeMo ka heshay Howlgal gaar ahaa oo ay ciidanka Shabaabul Mujaahidiin xalay saqdii dhexe ka fuliyeen gudaha degmada Ceel Waaq ee wilaayada Gedo.

Taliska shabaabul Mujaahidiin ayaa lagasoo xigtay in ciidan khaas ah oo loogu talagalay fulinta howlgalada xoog ku galka ah ay xalay gudaha u galeen Ceel Waaq waxayna beegsadeen saldhig ay ciidanka saliibiga Kenya dhawaan ka sameysteen gudaha degmadaasi.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha mujaahidiinta ciidanka mujaahidiinta ee weerarka qaaday waxay Mid mid u toogteen ciidan ilaalo ka hayay saraakiil kenyaan ah oo Ceel Waaq ku sugnaa kadibna waxaa bilaawday dagaal toos ah.

Ilaa 8 Sarkaal oo qorshe dagaal dejiyaal ah ayaa laxaqiijiyay in ay kamid ahaayeen ciidankii Kenya ee xalay lagu gumaaday degmada Ceel Waaq.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Mujaahidiinta ay Ceel Waaq kasoo heleen Dukumiintiyo sir ah oo muujinayay qorshayaasha dagaal ee Kenya u dejisay duulaanka wilaayada Gedo.

Waa Howlgalkii ugu horeeyay oo ay ciidamada gaarka ah ee Shabaabul Mujaahidiin ku fuliyaan ciidanka cadawga ah ee Kenya ka socda, waxaa laga yaabaa in Kenya ay dhadhamiso howlgallo gaar ah oo aad u xanuun badan sida camaliyaad Istish-haadi ah oo ay caan ku tahay shabaabul Mujaahidiin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...