Monday 14 November 2011

Kenya: 9 ka tirsan Al-Shabaab Ayaan Ku Dilnay Ceel Waaq


 
Share
Nairobi (RBC) Sida ay qortay Wakaalada Wararka AP, Askarta Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa dilay sagaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ka dib dagaallo ka dhacay deeganka ceel waaqo oo ku dhow soohdinta dalka Kenya.
Maj. Emmanuel Chirchir oo ah afhayeen u hadlay dowlada Kenya ayaa sheegay askartooda in ay ka hortageen weerar ay soo qaadeen habeenimadii sabtidii ururka Dagaalyanahada Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay Afar ka mid ah askarta Kenya in ay ku dhaawacmeen, iyadoo mid ka mid ah xaaladiisa ay aad u liidato, waxana lagu daweynaya oo loo qaaday magaalada Gaarisa waxana uu baahan yahay dayreel dheeri ah. Ayuu sheegay, Chirchir  ka dib war murtiyeed uu soo saaray.
Waxa kaloo uu sheegay Mr. Chirchir in dhaawacyada soo gaaray Al-Shabaab in ay baxsadeen waxana uu kula dardaarmay dadka deeganka ee ku dhaqan  Magaalada Ceelwaaq inay gacan ka geestaan sheegida dhawaacyada magaalada lagu daweynaayo.
Sarkaal kale oo u hadlay dowlada Kenya ayaa isna sheegay in ay xireen oo qabteen afar qof kuwaas oo la sheegay in hub sharci daro ay soo galinaayeen deeganka Ceelwaaq, afarta qof waxa la sheegay mid ka mid ah in uu yahay Kenyan halka kuwa ay yihiin Soomaali ah sidaas waxa yirir, Chirchir
Kenya ayaa bishii la soo dhaafay waxa ay boqolaal ciidan u dirtay gudaha dalka Soomaaliya si ay uala dagaalanto ururka Al-Shabaab. Ka dib markii lagu eedeeyay in ay afduubyo iyo weeraro ay ka geesteen gudaha dalka Kenya, wallow Al-Shabaab ay iska fogeysay eedeentaas
Xafiiska Wararka Caalamiga RBC-Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...