Monday 14 November 2011

Madaxweyne Shariif oo lagu eedeeyey inuu lacag $140.000 u dhiibay rag dowladda KMG ka tirsan oo Dhoobley tagay si loo kala furfuro ciidamada

Prof. Maxamed Cabdi (Gaandi) oo ah madaxweynaha maamulka Azaniya ayaa ku amaanay dowladda Kenya soo gelitaanka ciidamadeeda ee gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha dowladdad KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu ku eedeeyay inuusan rabin nabad ka dhalata dalka Soomaaliya.
Prof. Gaandi ayaa iska diiday waxa ka jira in dowladda KMG Soomaaliya ay marka la qabto gobolada Jubbooyinka ay u soo magacaabeyso maamul, arrinkaas uu ku sheegay waxaan waxba ka jirin maamulada Jubbooyinkana ay yihiin kuwo dhisan oo la socda ciidamada ciidamaad Kenya, wuxuuna Gaandi afka ku dhuftay in maamuladii dowladdii ugu dambeysan ee C/laahi Yuusuf ee laga qabsaday Jubbooyinka ay weli yihiin kuwa sharciga ah, ayna la socdaan ciidamada, degmadii la qabtana ay iyagu howshooda qabanayaan.
“Illaa hadda degmada gacanteena ku jirta waa Ceel-waawq, taasina waxaa shaqada degmadaasi wada mas’uulkii hore u hayey xilka degmadaasi, mana dhici doonto in dowladda KMG ay maamul iyadu u sameyso gobolada Jubbooyinka, mana ogolaan doono arrinkasi si kastana waan ka hortageynaa” ayuu yiri Gaandi.
Prof. Gaandi ayaa ku sheegay maamulka Azaaniya mid soo socday ilaa sedex sano, ayna isku raaceen dadka goboladaas u dhashay oo uu u dhisanyahay guurtidooda iyo Baarlammaankooda iyo maamuladoodaba intaba, isagoo sheegay inaysan jirin cid banaanka ka timid oo soo faragelin karta maamulaka hadda dhisan.
Prof. Gaandi ayaa eed culus dusha uga tuuray Madaxweyne Shariif oo uu ku eedeeyay inuu yahay nin aan raali ka aheyn wax ka qabashada deegaanka Jubbooyinka, uuna marar badan isku dayey sida uu yiri inuu kala furfuro ciidamada oo hab qabiil isaga horkeeno, uuna garaneyn danta ugu jirta inuu lacag ku bixiyo ciidamo uusan bixin mushaarkooda, daawooda iyo noloshooda intaba.
Prof. Gaandi oo sii wada weerarkiisa ku aadan Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inuu Madaxweyne Shariif uu lacag 140.000 oo doollar uu u soo dhiibay rag dowladda KMG ka tirsan oo Dhoobley tagay hadda ka hor, si loo kala furfuro ciidamada, wuxuuna yiri Gaandi mar uu arrinkaasi ka hadlayey “Waxaad arkeysaan in shacabkii Soomaaliyeed ay u dhimanayaan haraad iyo gaajo, qaarkoodna ay xerooyinka qaxootiga ay soo gaaraan iyagoo dhimasho ku dhow, maxaa u diiday inuu lacagta xumaanta uu ku raadinayo oo uu ku kala furfurayo ciidamo qaran inuu uga faa’iideeyo shacabka Soomaaliyeed ee gaajada u dhimanaya”

Prof. Gaandi waxa uu iska fogeeyay inay jiraan heshiisyo uu la galay shirkado Faransiis ah si ay shidaal uga baaraan deegaanada Jubbooyinka, arrinkaasi oo uu ku tilmaamay wax la dhoobdhoobay oo been abuur ah, iyadoo Mar la weydiiyey in maamulka Azaaniya aysan taageersanayn Itoobiya ayuu ku jawaabay mid aan waxba ka jirin, wuxuuna daaha ka rogay inay marar badan ay kulmeen dowladda Itoobiya, ayna taageersantahay howlaha ay ka wadaan Jubbooyinka, isagoo sheegay in Wargeysyada ka soo baxa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay qoreen mowqifka dowladda Itoobiya ay arrimaha Jubbooyinka ka taagantahay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...