Monday 14 November 2011

Warbixin dheer oo ku saabsan duqeymo xalay loo geystay fariisimo Xarakada Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ku yaala gobolka Sh/hoose

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya madaafiic culus oo xalay fiidnimadii hore lala beegsaday fariisimo ciidamada Xarakada Al-shabaab u leeyihiin deegaano ku yaala gobolka Sh/hoose ee koonfurta Somalia.
Degmada Afgooye oo ka mid ah degmooyinka la duqeeyey ayaa dadka deegaanku waxay sheegeen in abaara 9:00-kii fiidnimo ee xalay ay arkeen iftiin weyn oo mugdigii habeenimo ee ka jiray degmada u bedelay maalin cad kaasoo ay sheegeen inuu ku ahaa mid lama filaan ku ahaa ah oo argagax geliyey.
Iftiinka waxaa xigay qarax weyn oo u muuqday inuu ka dhashay wax dusha ka soo dhacay oo aan ka maqalnay gudaha degmada kaasoo gilgilay dhulka xooga uu qaraxaas lahaa awgeed, naxdintii na heysay waa sii weynaatay aad ayaana dadku u baqeen, wixii intaa xigayna qaraxyo kale oo waaweyn ayaan maqalnay” sidaa waxaaa yiri wiil magaciisa ku soo gaabiyey C/llaahi oo ka mid ah shacabka degan degmada Afgooye oo shabakada dayniile uga waramayey sida ay halkaas wax uga dhaceen.
Wararka laga helayo degmada Afgooye ayaa sheegaya in labo gantaal oo degmadaas lala beegsadaay midkood uu ku habsaday meel ka dambeysa xarunta jimciyada tadaamun oo ah xarun lagu xanaaneeyo agoonta, waxaana halkaas ku yaala oo kale saldhig weyn oo Xarakada Al-shabaab ay isticmaalaan, iyadoo gantaalka labaadna uu ku dhacay dhul banaan oo ku yaala hareeraha degmadaas.
Dhinaca kale deegaanada KM50, Km60 ayaa ka mid ah goobaha madaafiicdaas xooga leh ay ku habsadeeen, iyadoo wararku ay sheegayaan in madaafiicdaasi sidoo kale lala eegtay deegaanka Laanta Buuro gaar ahaan xero milateri oo lagu tababaro ciidamada Al-shabaab oo halkaas ku taala, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in xerada xiliga la duqeynayey ay joogeen saraakiil sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab sida afhayeenkoda Shiikh Cali dheere iyo Shiikh Xasan Daahir Aweys.
Ilaa hadda lama hayo qasaaraha rasmiga ah ee madaafiicdaas ay geysteen naf iyo maal, mana jiro war ay soo saareen Xarakada Al-shabaab oo ku saabsan arintaas, iyadoo sidoo kale aan la ogeyn halka madaafiicdaas laga soo riday iyo cida ka dambeysa hase ahataee dadweynaha ku dhaqan deegaanada ay ku dhaceen madafiicdaasi ayaa ilaa xalay ku joogay cabsi iyo walaac badan oo ay ka qabaan madaafiic kale, iyagoo qaarkoodna aaney hurdoba ka soo dhicin.

Dhinaca magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah ayaa laga maqlay daryanka madaafiicdaas lagu weeraray deegaano ku yaala gobolka Sh/hoose, iyadoo marna hawada sare ee magaalada lagu arkay iftiin weyn iyo wax u eg gantaal oo soconaya oo xagiisa dambena uu ka baxayo ifriin fara badan oo ololaya, waxaana loo maleynayaa in madaafiicdan laga soo tuuray maraakiib taagan xeebaha Soomaaliya maadaama aysan jirin dayuurado ay dadku arkeen ama guuxooda maqleen oo la tuhmi lahaa iney ahaayeen kuwii duqeynta geystay waxaana weerarkii xalay uu ku soo beegmayaa xili dowlada Kenya ay sheegtay iney ka laabatay go’aankii ay horey u sheegtay iney ku weerari doonto 10 magaalo oo ku yaala koonfurta Somalia, taa bedelkeedna ay bilaabi doonto duqeymo ay la beegsato saldhigyada Al-shabaab ee ku yaala magaaloyinkaas ay sheegeen oo ay ku jireen kuwa gobolka Sh/hoose ee xalay la duqeeyey.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...