Tuesday 8 November 2011

Iska-hor-imaad ku dhexmaray deegaanka Balli-dhiig ciidammo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay xuduudda iyo dad careysan



Talaado, November 08, 2011 (HOL) — Dadweynaha ku dhaqan degmada Balli-dhiig ee gobolka Togdheer ayaa ka hartagay hawlgal ay wadeen ciidamada Itooobiya, kuwaasoo doonayey inay magaalada kala baxaan macalimiin qur’aan magaalada ku nool, blasé dadweynahaasi ayaa baajiyey arrintaasi ka dib markii ay hor istaageen inay ciidamadaasi la baxaan macalimiintaasi.
Dadweynahan oo ka cadhaysan falkaasi ay ku kaceen ciidamada toobiyaank ahi ayaa waxa arrintaasi ka dhashay rabshado gacan ka adal isku bedelay.
Wararka ka imanaya degmada Ballidhiig ee xuduuda Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay inay halkaasi ka dhaceen is rasaas sababtay inay illaa saddex qof ku dhaawacmeen, taasina ay keentay in ciidamadii toobiyaanku ay dib uga noqdeen magaaladii, iyado aanay u suurtagalin awshii ay u socdeen.
"Magaalada waxa soo galay laba gaadhi oo kuwa dagaalka ah, waxaanay doonayaan inay xidhaan macalimiin wax ka dhigta madarasad ku taala magaalada, balse arrintaasi waxa ka hor yimid dadweynaha, waxaana askartii soo gashay laga dhaawacay saddex askari"ayuu yidhi mid ka mid ah dadka ku dhaqan magalaadaasi oo ka gaabsaday inuu sheego magaciisa.

Intaas waxa uu ku daray "Dadku xalay waxay galeen heegan ay ugu diyaar garoobayaan ciidamadasi oo ay filayaan inay maanta mar kale dib ugu soo noqdaan" ayuu yidhi.
Soo galitaanka ciidamadan ayaa noqonaya markii labaad ee ciidamadaasi soo galaan kuwaasoo hore magaalada kala baxay toddoba nin oo waddaada loo yaqaan tabliiqiinta oo ka soo jeeda dalka Pakistaan.
Illaa hadda lama hayo warar ka madax banana labada dhinac balse wararka laga helayo dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa ka baqaya inay mar kale ku soo noqdaan magaalada oo ay weerar ku soo qaadaan, taasina ay keentay inay dadku ishubeeyaan oo ay u diyaar garoobaan hawl kale oo laga yaabo inay maanta mar kale ku soo noqdaan.
Dadkan ku dhaqan magaalada ayaa xusay inay xalay heegan ahaayeen, isla markaana u diyaar garoobeen dagaal maadaama oo ay filayaan inay ciidamadaasi soo noqdaan.
Ciidamada soo galay gudaha xadka Somaliland ayaa ah ciidamo cusub oo ay leedahay dawlada ismaamul goboleedka Itoobiya loona yaqaan Liyuu Boolis, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey hawl-galo ka waday xuduud ku teedsan Somaliland iyo Itoobiya.
Dadweynaha Somaliland ayaa si weyn uga cadhaysan ciidamada Itoobiya ee gudaha xuduuda ka soo talaabaya, wararka maanta magaalooyinka waaweyn laga hadal hayey waxay ahayeen ciidamadaasi xuduuda soo galaya, iyado arrintaasi ku tilmaamay sharci daro.

Si kastaba ha ahaatee, waxa laga cabsi qabaa inay iska hor imaad tan shalay ka balaadhani ka dhaco magaaladaasi, madaama oo la sheegay in dhawr askari laga dhaawacay ciidankaasi magaalada soo galay, waxaanay dadka deegaankaasi isku abaabuleen dagaal ka dhan ah ciidankaasi haddii uu soo galo magaalada.
Dhawr bilood hor ayaa xukuumadda Somaliland iyo dawladda Itoobiya kala saxeexdeen heshiish ah iskaashi xaga amniga ah labada dhinac wada yeeshaan, dhawrkii biloodna mar kulmaan, isla markaana wixii dambiile ah ee meel kale wax ka soo sameeya la isku soo wareejiyo, heshiiskaasi oo ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Somaliland ayaa ilaa hadda ka hadal arrintaasi. Haseyeeshee dhawr jeer ayaa ciidamadaasi iska soo galay uu ka hadlay Badhasaabka gobolka Togdheer Magaalada Ballidhiig ayaa ku taalla xuduuda ay wadaagaan Somaliland Itoobiya, waxaanay hoos timaadaa gobolka Togdheer.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...