Tuesday 8 November 2011

Maamulka Ahlu suna ee gobolada dhexe oo sheegay in uu dowlada Itoobiya ku wareejiyey 30 dagaalyahan oo ka tirsan Jabhada ONLF

Maamulka Ahlu suna waljameeca ee gobolada dhexe ayaa sheegay maanta iney xukuumada Itoobiya ku wareejiyeen ilaa 30 dagaalyahan oo ka tirsan jabhada ONLF ee dagaalka kula jirta ciidamada Itoobiya kuwaasoo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.
Gudoomiye ku-xigeenka maamulka ahlu suna ee gobolada dhexe Shiikh Axmed Ilkacase oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamada ahlu suna ay 30-kaas dagaalyahan ka soo qabteen deegaano u dhexeeya degmada Guriceel iyo magaalada Dhuusamareeb xili buu yiri ay halkaas ka wadeen falal amaan daro.
Markii ay ciidanka Ahlu suna qabteen 30-kaas oo nin oo hubeysan baaritaan ayey ku sameeyeen waxaana la ogaaday iney ka tirsan yihiin jabhada ONLF falal amaanka lidi ku ahna ka wadeen gobolka Galgaduud sidaa awgeed markii aan xaqiijinay arintaas, iyo in nimankaas aysan Soomaali aheyn ayaa waxaan ku wareejinay dowlada Itoobiya o uu naga dhexeeyo iskaashi dhinaca amaanka ah” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka maamulka ahlu suna ee gobolada dhexe Shiikh Axmed Ilkacase.
Gudoomiye ku-xigeenka maamulka ahlu suna ee gobolada dhexe Shiikh Axmed Ilkacase ayaa sheegay in sidoo kale ay ka hortageen ciidamada ahlu suna weerar qorsheysan oo ku soo wajahnaa deegaanada ay maamulaan ee gobolada dhexe “Waxaan fashilinay weerar ay gobolka la damacsanayeen kooxo isbaheystay oo kala ah maamulka Ximan iyo xeeb, Al-shabaab, Al-qaacida iyo ONLF” ayuu intaa ku daray Gudoomiye ku-xigeenka maamulka ahlu suna ee gobolada dhexe Shiikh Axmed Ilkacase.
Waxaa uu digniin u jeediyey Gudoomiye ku-xigeenka maamulka ahlu suna ee gobolada dhexe Shiikh Axmed Ilkacase maamulka ximan ioy Xeeb oo uu sheegay in deegaanada uu gacanta ku hayo laga soo abaabulay weerarkaas wuxuuna xusay in hasddii y ka waantoobi waayaan ay talaabo adag ka qaadi doonaan maamulkaas, mana jiro ilaa hada war jawaab u ah eedeeyntaas oo ka soo baxday maamulka Ximan iyo Xeeb.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...