Sunday 13 November 2011

Sarkaalkii Howlgelin jiray Maleeshiyaadka DKMG ah ee Argagaxisa ladirirka oo si laab leh loogu dilay Muqdisho (warbixin).


on .

somalimemo.netShanshada ayaa laga jebshay Sirdkoonka DKMG ah ee ka hoos shaqeysa ciidamada shishiishe ee duulaanka kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
Habacsanaan dhan walba ah ayaa laga dareemayaa laamaha kala duwan ee DKMG ah tan iyo wixii ka dambeeyay isbedelkii dhanka dagaalka oo ay Shabaabul Mujaahidiin uga dhawaaqday magaalada Muqdisho.
Sarkaal sare oo katirsanaa waxa loogu Nabad sugidda DKMG ah ayaa xalay lagu Khaarijiyay xaafad ay magaalada Muqdisho ka joogaan ciidamada AMISOM ee ilaaliya DKMG ah.
Aas ay Saraakiil katirsan ciidamada AMISOM kasoo qeyb galeen ayaa maanta Muqdisho loogu sameeyay Nin dagaal OOge ahaa oo lagu magacaabi jiray Max'med Cabdullaahi Colaad Farabadan.
Farabadan wuxuu Ninkii Howlgelin jiray Maleeshiyaadka Ashahaadda ladirirka PS-ta loo yaqaan kuwaasi oo Gabdhaha Muslimaadka Kufsada shabaabka astaamaha diimeed leh xabsiyada ku gurayay iyagoo ku tuhmaya in ay diintooda ku dheganyihiin.
Villa Somaliya iyo Xerada Xalane ayaa maanta laga hadal hayay dilka Farabadan oo ahaa Lafdhabarta Maleeshiyaadka Jawaasiista ah ee AMISOM ka caawiya heysashada dhulalka muslimiinta.
Ciidamada Amniga Shabaabul Mujaahidiin ayaa larumeysanyahay in ay Farabadan ku dileen meel ku dhaw madaxtooyadii Cabdi Qaasim Salaad Xasan ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Dilka Farabadan wuxuu ka dhiganyahay AMISOM iyo PS oo shanshada laga jebshay waana guul ay gaareen mujaahidiinta Soomaaliya oo shacabka Muslimka ka hor leexiyay Dagaal Ooge dagaal kula jiray faafinta Towxiidka.
Sheekh Cali dheere Afhayeenka Shabaabul Mujaahidiin ayaa horay u sheegay in ciidanka Mujaahidiinta aysan Muqdisho ka bixin oo ay degmo walba ku baacsan doonaan cadawga warkaasi oo dhaqan gal noqday.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...