Tuesday 8 November 2011

Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo Muxaadaro qiima badan u jeediyay Shacabay Bay iyo Bakool.


Written by MeMo on .
somalimemo.netAl-Qaa'id Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah mas'uuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa caawa lahadlay shacabka ku nool Bay iyo Bakool.

Maanta Duhurkii ayaa shacabka Muslimka ah ee reer Baydhabo loo Iclaamiyay in caawa ay jiri doonto Muxaadaro dhinacya badan taabaneysa laakin lama sheegin cidda muxaadaradaasi qabanaysa.

Salaadii maqrib kadib ayuu Imaamka Masjidka Dabaqeynka waxa uu Makaroofanka iyo Minbarka kusoo dhaweeyay Allaha dhowree Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Kumanaan shacab ah ayaa dhegaysanayay Muxaadarada Sheekh Abuu Mansuur oo jawaanib kala duwan ka hadlaysay, ugu horeyn Sheekha ayaa Muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciiddul Adxaa iyo guulaha ay ka gaareyso Jihaadka caalamka ka socda.

Sheekh Mukhtaar wuxuu ka hadlay arrin muhiim ah oo aheyd waxyaabaha qofka Muslimka ah waajibka ku ah oo haddii laga tago camalkiisu xumaanayo.

Wuxuu ku dheeraaday ka hadalka Salaadda oo Manzilad weyn ugu fadhida Muslimiinta wuxuu yiri Shiikh Abu Mansuur (Salaaddu wax walba wey ka muhiimsantahay taariku salaad ciqaabtiisa isaga sheekeyn mayno ee aan cibaadaadkeena wanaajino).

Allaha dhowree Shiikh Abuu Mansuur ayaa soo hadal qaaday marxaladaha uu dalkeena Muslimka Soomaaliya marayo wuxuuna sheegay in meel wanaagsan wax marayaan gaalo iyo la jirayaasheedana ay jabeen.

Dukaamada ganacsiga, goobaha laga qaxweeyo iyo meelaha dadku isugu yimaadaan waxaa caawa ka shidnaa Muxaadarada Sheekh Mukhtaar iyadoona shacabku ka dhegaysanayeen Idaacadd Islaamiga Andalus xarunteeda Baydhabo.

Dadka beera falashada iyo xoola dhaqashada ku mashquulsan ayaa iyana Radiyaasha FM-ka ah ka dhagaysanaya maadaama Andalus ay gaarto deegaano badan oo Bay katirsan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...