Tuesday 8 November 2011

Munaasabado waaweyn oo lagu maamuusayo Munaasabadda Ciidul Adxaa oo maanta lagu qabtay xeebta Magaalada Marka. (SAWIRO)


Written by MeMo on .
1Maamulka Islaamiga ah ee Shabeellada Hoose ayaa maanta gelinkii hore munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldegayo Ciidul Al-Adxaa waxaa uu ku qabtay xarunta Shabeellada Hoose ee Magaalada Marka.
Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro fara badan iyo tartamo dhex marayay Degmooyinka ay ka kooban tahay Wilaayada Shabeelaha Hoose sida Ciyaaraha Dabaasha, Tartanka Doomaha, Tartanka Mootooyinka, Barbaarta gaashaaman oo ayagu soo bandhigay gaada ka ciyaar aad loola maqsuuday.
Barbaarta Gaashaaman ee Sh.Hoose ayaa ku hubaysnaa Waramo, Gaashaamo iyo Fallaaro waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan wadamada ay ka midka yihiin Yugaandha, Burundi Itoobiya iyo Kenya ayna Jihaad kala hortegi doonaan.
Arinta ugu xiisaha badan ayaa ah qaar ka tirsan Caruurta dhigata mid ka mid Dugsiyada ku yaalla magaalada Marka oo soo bandhigay dhoolatus dhanka Milatariga ah iyaga oo ku hubaysnaa qoryaha Caaga ka samaysan balse sida Milatariga u tababarnaa una dagaalamayay qaab Ciidan rasmi ah oo kale, waxaa kale oo jiray qaar iyaguna soo bandhigay Ciyaarta loo yaqaano “Kaalfootada” .
Ciyaarta “Dheri-jebinta” oo iyaduna ahayd mid aad u xiisa badan ayaa lasoo bandhigay iyadoo inta qofka indhaha laga xiro kadibna loo sheegayay inuu dheri meel ka fog yaalla soo jebiyo, taas oo farxad iyo qosol ay dadweynuhu kaga dhergeen.
Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Wilaayada Sh.Hoose ayaa tartankaas ka qayb galay oo uu ka mid ahaa Sh.Maxammed Abu Cabdalla oo isagu ku guuldaraystay inuu dheriga jebiyo kadib markii uu meel cidla ah u dhaqaaqay isagoo ay dadweynuhu aad ugu qoslayaan..
Tartanka Doomaha ayaa isaguna aad u xiisa badnaa iyagoo la arkayay doomo fara badan oo masaafo dheer dheer kusoo tartamayay kadibna ay ku guuleysteen tartamayaal ka socday degmada Marko, halka tartanka Mootooyinka ay ku guuleysteen tartamayaasha Degmada Jannaale.
Kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka kala gadisan ee Sh.Hoose ayaa ku sugnaa Xeebta Magaalada Marko kuwaas oo si farxad leh u daawanayay Ciyaaraha lasoo bandhigayay isla markaana la kala safnaa kooxihii kala duwanaa ee tartamayay.
Goobta lagu qabanayay munaasabada Ciida oo ahayd Xeebta Magaalada Marko ayaa waxaa si weyn ammaankeeda u adkaynayay Ciidamada Xisbada ee Magaalada Marko oo ay gacan siinayaan Ciidamada Milatariga oo ku hubaysnaa hub uu ka mid yahay Lidka Diyaaradaha maadaama maalmihii lasoo dhaafay ay wadamada qaar kasoo yeerayeen Hanjabaado ka dhan ah shacabka ku dhaqan magaalooyin ay ka mid tahay Degmada Marka.
Ugu dambayntii Masuuliyiinta Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Sh.Hoose ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan xaflada noocan oo kale ah ee loogu dabaaldegayo Ciidaha Muslimiinta ee sharciga Islaamku inoo Jideeyey Farxadeeda.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

0 Comments.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...