Tuesday 8 November 2011

Warar sheegaya in Raadaarka Diyuuradaha lageeyay Gobolada Jubbooyinka (Xuuraansi).


Written by MeMo on .
somalimemo.netWarar ishaacaad ah oo laysla dhaxmarayo ayaa sheegaya in mujaahidiinta Soomaaliya ay keensadeen qalab casri ah oo looga hortago duqeymaha diyaaradaha.

Duulaanka Kenya ee Soomaaliya ayaa naqday hadal heynta ugu ballaaran oo ay hadal hayaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay ka joogaan dalka iyo dibadiisaba.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wilaayaatka Soomaaliya qaarkood lageeyay Qalabka Raadaarka ee digniinta ka bixiya diyuuradaha kusoo xadgudbaya hawada dalka.
Warar loo qaateen ah waxay sheegayaan in saraakiil horay uga mid ahaa ciidankii Dowladii Siyaad Barre ay shabaabul Mujaahidiin kala shaqeeyeen sidii loosoo heli lahaa saanado Milleteri oo ay Somaaliya horay u lahayd.
Weriye katirsan SomaliMeMo oo la sheekeystay kawaadir mujaahidiinta taageersan ayaa soo sheegay in qalab casri ah loo helay diyuuradaha dagaalka Kenya ee gaboobay.
Ilo wargal ah waxay sheegayaan in Saraakiil horay uga mid ahaa ciidanka Xoogga Somaaliya ay dalbadeen in furimaha dagaalka dhinac lagasiiyo si ay Kenya ula dagaalamaan.

Duqeyntii Umula dooxa aheyd ee dhawaan ay Kenya ka geysatay Jilib ayaa kicisay Odayaal horay uga mid ahaa dowladii Siyaad kuwaasi oo hadda boosas ka raadsanaya aagga dagaalka.

Ciidamada AMISOM duqeymo ay horay uga geysteen Suuqa Bakaaraha wuxuu kiciyay dareenka shacabka ugu dambeyntiina dad badan ayaa kusoo biiray Jihaadka Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...