Tuesday 8 November 2011

Xildhibaan C/raxmaan Janaqoow oo Lagu Weeraray Xaafaddiisa iyo Qaraxyo Waa wayn oo Gilgilay Caawa Magaalada Muqdisho

Qaraxyo qasaaro gaystay ayaa caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya
Weeraradaani bambaano oo aan la ogayn cida rasmi ahaaan ka dambeysa ayaa caawa waxaa lagu qaaday xarumo ay dagan yihiin Mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo ku yaalla degmooyinka Wadajir iyo Holwadaag ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in degmada Wadajir ay ka dhaceen labo qarax oo mid ka mid ah lagu qaaday guri uu dagan yahay Xildhibaan C/raxmaan Janaqoow oo ka mid ah barlamanka halka kan kalan lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Xaafadda Suuqa weyn.
Inkastoo aan la hubin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradaasi ayaa hadana wararka qaar waxa ay sheegayaan in 3-ruux ay ku geeriyoodeen qaraxyada ka dhacay degmada Wadajir oo labo ka mid ah la sheegay inay ahaayeen askarta dowladda KMG halka in ka badana ay ku dhaawacmeen iyadoo ilaa hada aan la ogayn qasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay degmada Holwadaag.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...