Thursday 3 November 2011

War Degdeg ah: Madaxwayne Cabdi Iley oo Lasheegay in Xilkii Laga Xayuubiyay


11/03/00
Format for printing    
3 November 2011
Addis Ababa (Kilil5)---Warar hordhac ah oo aanu ka hellay dad lagu kalsoonyahay oo ah madax sare oo katirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Madaxwayne Cabdi Iley laga xayuubiyay dhamaanba xilalkii uu hayay oo dhan, todobaad gudihiisna si rasmi ah loogu dhawaaqi doono xil ka qaadista Madaxwayne Cabdi Iley.
Xil kaqaadista Madaxwayne Cabdi Iley ayay sida ay wararka Shabakadda Kilil5 ka helayso madaxda sare ee DDS qaarkood sheegayaan in la horkeeni doono baarlmaanka deegaanka todobaadka soosocda, si xil ka qaadista madaxwaynaha rasmi looga dhigo. Waxay warar kale sheegayaan in dhawr todobaad kadib madaxwaynaha la keeni doono Jigjiga, si uu u baarlamaanka deegaanku u ansixiyo xil kaqaadistiisa, si rasmi ahna loogu dhawaaqo.
Madaxwayne Cabdi ayay Xukuumadda Dhexe iyo dadwaynaha deegaankuba ku eedeeyaan maamul xumo. Waxayna warar hoos oo soo gaadhay Kilil5 sheegayaan in madaxwaynaha lagu eedeeyay musuqmaasuq baahsan iyo in uusan kala aqooninba hantida uu isagu leeyahay iyo hantida dawladda iyo dadwaynaha. Waxaa kale oo lagu eedeeyay madaxwaynaha kaligii talisnimo iyo in uunan aqoonin sida ay dawladi ushaqeyso. Waxayna wararka ka imaanaya dhanka Xukuumadda Dhexe sheegayaan in Madaxwayna Cabdi ay iskawada horyimaadeen madax badan oo katirsan xukuumadda dhexe iyo waliba madax badan oo katirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxay wararku intaas ku darayaan in madaxwaynaha aad loogu eedeeyay inuu la dagay gobolka, wax shaqo dowladeed ah oo deegaanka kasocda oo lasheegi karana aysan jirin xiligan lajoogo.
Xukuumadda Dhexe ayaa lasheegayaa inay ka baqday inuu gobolku faraha ka baxo kadib markii ay bateen dacwooyinka ka dhanka ah ee laga soo gudbinayo Madaxwayne Cabdi Ileey oo lasheegay inay maalinba maalinta kadambaysa sii badanayeen iskudhacyada iyo khilaafaadka isaga iyo bulshada inteeda kale udhexeysa. Tacaddiyo badan oo dadka rayadka ah loogaystay iyo siyaasaddii deegaanka oo cakirantay ayaa lasheegayaa inay kamidyihiin dacwooyinka iyo eedeeymaha loosoo jeediyay Madaxwayne Cabdi.
Madaxwayne Cabdi Iley ayaan la sheegin waxa uu qaban doono marka xilka uu hayo si rasmi ah looga qaado. Warar qaarkood ayaa sheegaya in Xukuumadda Dhexe ay shaqo uga raadinayso wasaaradaha kale. Wali macadda qofka lagu badali doono Cabdi Iley.
Warar iyaguna aanu hadda uun helay ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Gurey) oo ah Wasiirka Ganacsiga ee heer federaal xil ka qaadis lagu sameeyay, kadib markii lagu eedeeyay karti xumo iyo waxqabad la'aan.
Dacwooyin badan oo ka dhan ah Madaxwayne Cabdi Iley iyo sida uu wax umaamullo oo dad kala duwan ugudbinayeen dawladda dhexe ayaa socday bilihii lasoo dhaafay oo dhan. Wixii kasoo kordha waran, kalasocda Shabakadda Kilil5.com
Addis Ababa , Kilil5 Online

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...