Sunday 17 July 2016

Jen. Gaafow oo loo magacaabay taliyaha nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka


Jen. Gaafow
Jen. Gaafow
Muqdisho (RBC Radio) Golaha xukuumadda ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka oo ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan dalka.
Golaha wasiirrada oo shir gaar ah maanta ku qaatay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa shaaciyay in loo magacaabay Jen.Cabdullaahi Gaafow Maxamuud taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka.
“Golaha Wasiirrada ayaa shirkoodii maanta si rasmi ah ugu magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu ahaado S/G C/laahi Gaafow Maxamuud,”ayaa lugu yiri qoraalka ka soo baxau shirka golaha wasiirrada oo u shir guddoominayay ra’iisul wasaare Sharma’arke.
Jen. Gaafow ayaa horay u hayay xilka Taliyaha laanta Socdaalka iyo jisiyadaha Soomaaliya oo u muddo soo hayay.
Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh ayaa dhawaan xilka ka qaaday taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo qaranka Col. Abdirahman Mohamed Turyare.
Jen. Gaafow waxuu xilkan qabanaya xilli dalka ay ka dhacayso doorashada guud,waxaana wali ka socda dalka weerarro ay geysanayaan al-Shabaab oo ka soo horjeeda dowladda.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...