Tuesday 19 July 2016

Masar oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid iyo sanaad ciidan (Sawirro)


3
Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Masar ayaa maanta dowladda Soomaaliya ku wareejisay hub, gaadiid iyo sanaad ciidan oo loogu talay galay ciidamada Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababran ee loo yaqaan Danab.
Saanaddan ciidan, ayaa waxaa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya guddoonsiiyey Danjiraha dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Waliid Maxamed Ismaaciil, sida ay faafisay wakalaadda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
“Waxaanu taageereynaa walaalaheena Soomaaliyeed, Hubkaan iyo Gaadiidka Ciidanka oo ay ku jiraan kuwa gurmadka deg degga ah waxaan maanta ku wareejineynaa dowladda Soomaaliya, si gaar ah waxaan uga qeybq aadaneynaa howlaha dib u dhishka ciidamada Soomaaliya” ayuu yiri danjire Waliid.
1
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo danjire Waliid ka guddoomay qalabkan ayaa uga mahad celiyey dowladda Masar taageerada ay u fidisay Soomaaliya.
Dowladda Masar ayaa horay sidan oo kale usoo gaarsiiyay Soomaaliya saanad loogu tala-galay ciidamada,waxaana hadda ay ballan-qaaday xukuumadda Qaahira inay taageero kale u fidin doonto dowladda Soomaaliya mustaqbalka dhow.
65431 2
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...