Tuesday 19 July 2016

Soomaaliland oo ku dhaawaqdey deegaannadooda inay ka sii shaqeynayso hay’adda Turkishka ah ee Nile


Sacad-Cali-ShireMuqdisho (RBC Radio) Maamulka Soomaaliland ayaa xaqiijiyay inaanay saari doonin hay’ado Turkish ah oo dawladda Soomaaliya ay sheegtay inay dalka uga baxaan muddo toddoba maalmood ah.
Hay’adahan oo lugu magacaabo Nile ayaa lala xidhiidhinayo inuu leeyahay waddaad Turkish ah oo mucaarad ku ah xukuumadda Turkiga, laguna magacaabo Fatxullah Gulen.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay sharci ku joogaan hay’adahaasi Soomaaliland wuxuuna sheegay inay eryi karaan oo keliya haddii ay sharciga Soomaaliland jebiyaan.
Waxuu sheegay wasiirka inaysan wali dowladda Turkiga la soo xiriirin,balse hadey dhacdo ay baari doonan hay’adda doorka ay ku lahayd af-gambigii fashilmay ee Jimcihii ka dhacay dowladda Turkiga.
Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adan ugu baaqday dalka si dhaqso ah inay uga baxdo,sababo la xiriira inay saraakiishooda qayb ka ahaayeen afgambigii dhicisoobay.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...