Addis Ababa (RBC)Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaaraha wadanka Itoobiya Hailemariam Daseglen
ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen xarunta madaxtooyada Addis
Ababa [Arbacadii] waxay uga hadleen ciidamada
Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya. [DAAWO
SAWIRO]
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Itoobiya ay caawisay
Soomaaliya tan iyo bilawgii sanadkii 1993 markaasoo, buu yiri shir dib u
heshiineed ay u qabatay Soomaalidii markaasi dagaalamaysay.
“Itoobiya waxay markastaba garabtaagneyd Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993-kii
oo ay u qabatay shir dib u heshiisineed- ma ahayn kii ugu horeeyay balse xaqiiq
ahaan wuxuu ahaa kii ugu weynaa… Waanu qiimeyneynaa doorka Itoobiya ee xasilinta
Soomaaliya ee mudooyinkii hore iyo xitaa maantadan, inkastoo ay jireen taariikh
aad u adag oo ah mid hore- hore, laakiin Itoobiya waxay cadeysay inay ka soo
gudubtay caqabadahaasi ayna u furtay fursad Soomaalida. Aniguna ka madaxweynaha
cusub ee Soomaaliya waanu ka faa’ideysaneynaa fursadaasi ay Itoobiya siisay
dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
“Waanu la shaqeyneynsa Itoobiya si loo helo Soomaaliya oo fiican iyo
xasilooni ka hirgala gobolka Geeska Afrika” ayuu sii raaciyey.
Dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya jooga
Mar uu madaxweynuhu soo qaaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya oo uu u
adeegsaday ‘DADKA SOOMAALIYEED EE KU NOOL ITOOBIYA”, wuxuu yiri;
“Waxaad ogtahay kaliya ma ahan dadka Soomaaliyeed ee ka yimid Soomaaliya
kuwaasi oo ah ‘marti’ kuwaasoo aaney marnaba cabasho ka imaanin,
muwaadiniinteena ku nool halkan Itoobiya- gaar ahaan Addis Ababa” ayuu yiri
madaxweynuhu.
Madaxweyne Xasan
Sheekh oo su’aalo laga weydiiyey Soomaalida ku nool Itoobiya
ayaa carrabkiisa ka dhowray ka hadalka dadka Soomaali Galbeed [oo Itoobiya ay u
taqaano Kilinka 5aad] isagoo kaliya ku gaabsaday Somaalida qoxootiga ah ee u
qaxday Addis Ababa.
Xaalada Kismaayo
Waxaa kaloo madaxweynaha la weydiiyey su’aal ku saabsaneyd Kismaayo iyo buuqa
ka taagan maamul u sameynteeda. Wuxuuna yiri;
“Marka ay timaado Kismaayo, Magaalada Kismaayo waxay ka mid tahay 18 gobol ee
ku tilmaaman dastuurka Soomaaliya, dabcana waxay leedahay dhibaatooyinkeeda
gaarka ah mudadii 22 sano ahayd ee tagtay. Kismaayo oo ah magaalada saddexaad ee
ugu weyn Soomaaliya iyo gobolka Jubba guud ahaan waxaa uu markastaba ku jiray
gacmo is dhaafsi kala duwan oo u dhexeeya kooxaha ku dagaalamayey Soomaaliya,
waqtigaasi hadda waa uu dhammaaday” ayuu yiri.
Wuxuu intaa sii raaciyey;
“Waxaanu dooneynaa inaanu wax ka qabanno Kismaayo iyo Jubba iyagoo ah qeyb ka
mid ah Soomaaliya, amana heyno daaweyn gaar ah ee waxaanu rabnaa inaanu
adeegsano siyaasadeena ku wajahan dhismaha hay’adaha dawliga ah ee heer gobol
iyo mid deegaan. Dawladeydu waxay masuul ka tahay federaal ka dhigida
dalka”.
“Haa Kismaayo waxay ka mid tahay meelaha ugu dambeeyay ee laga xoreeyay al
Shabaab lagana yaabee inay taasi qeyb ka tahay qaab dhismeedka deegaan ee ay
gaarka u leedahay, anagoo og dhamaan waayo aragnimadaasi waxaanu rabnaa inaan
ula macaamilno sida qeyb ka mid ah Soomaaliya, waxaanu rabnaa in dadka deegaanka
la awoodeeyo, in dadka deegaanka fursad loo siiyo ay ku dooran karaan
hogaamiyaashooda, dawlada dhexe ee Soomaaliyana waxay fududeyneysaa habkaasi,
waanu sameyneynaa taasi, mar hore ayaana bilawnay taasi”. ayuu yiri
madaxweynaha.
Federaalka Soomaaliya iyo caqabadahiisa
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in inkastoo dalka loo dejiyey inuu noqdo federaal,
haddana aysan jirin wax sharciyo ku saabsan federaal oo horey dalka uga jiray,
dadkuna aysan u diyaarsaneyn ku dhaqanka nidaamkaasi.
“Sida aad ka warheysiin Soomaaliya waxay qaadatay nidaamka federaalka iyo
dastuur federaal ah, mid ka mid ah waajibaadka dawladayda wuxuu yahay in dalka
ay ka dhigto federaal taasina waxay dhab ahaan qaadaneysaa waqti. Taariikhda
dawladnimada Soomaaliya waxa uu mar walba tilmaamayay nidaam dawlad dhexe oo
sareeya, 30-kii sano ee Soomaaliya ay xorta ahayd illaa 1992-kii dhamaan
sharciyadeena waxay u sameysnaayeen nidaamka dawlada dhexe” ayuu sheegay
madaxweynuhu.
“Sidaa awgeed caqabada hadda na heysata waxay tahay, marka ay timaado
federaal ka dhigida wadanka in la helo qaab dhismeedkii sharciga ahaa ee
federaalka, ma rabno inaan soo celino khaladadkii iyo fashilkii horey loogu
dhacay – fashil ka dambeeyay fashil, sidaa darteed waqtigan waxaanu meelmarinay
nidaam aanu ka soo bilaabeyno in sharci laga sameeyo awoodsiinta dadka gudaha ee
deegaanada si ay u fahmaan dadku waxa uu federaal yahay iyo waxa ay tahay
kaalinta iyaga laga rabo inay ka ciyaaraan federaalnimada. Isla markaana
baarlamaankeenu wuxuu ku lug leeyahay sidii u soo saari lahaa qaab dhismeedka
sharciyada lagama maarmaanka u ah federaal ka dhigista wadanka”.
HOOS KA DHAGEYSO CODKA
AMA HALKAN KA DHAGEYSO
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment