![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Tuesday, 06 November 2012 12:40 |
![]() Soomaalidda Mareykanka ku dhaqan oo lasoo xiriiray xafiiska Shacabkamedia ee (Washington-DC)ayaa la yaab iyo amaakag ku noqotay in Golaha Wasiiradda mar 2-aad lagu soo daro nin aan hawsha Milatariga waxba ka aqoon in loo magacaabo jagu uusan aqoonteeda laheyn,maadaama uu ku taqasusay shaqada Nadiifinta,isagoo Musqulaha u dhaqi-jiray shirkad lagu magacaabo (Mary Maid Cleaning Company)Ninkan oo lagu magacaabo C/xakiin Fiqi ayaa jagadda Wasiirka Gaashaandhiga waxaa u qal-qaaliyay seedigiis Faarax C/qaadir (Sakiinta-cusub)oo isagu ah,Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Xisbiga Damjadiid,ahna ninka daaha gadaashiisa ka maamulo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.Siyaasadda Damjadiid ee Madaxtiooyadda Villa-Soomaaliya inqilaabay ayaa hadda heerkulkooda gaaray in qofka ay Wasiirka u magacaabayeen uu xidid iyaga la yahay,maadaama Reysalwasaaraha,iyo Wasiirka Arimaha Dibadda,uu shaqada u qal-qaaliyay C/kariin Xuseen Guutaale oo ka mid ah Madaxda Xisbiga Damjadiid oo 2-dan mas'uul xidid la ah,halka ninkan Musqulaha Mareykanka ka dhaqi-jiray ee loo magacaabay shaqo uusan xirfadeeda aqoon ee Wasaaradda Gaashaandhiga uu shaqadan ku helay,isagoo Xaaskiisa ay tahay Shiikhaal-Reer-Aw-Xasan,qaraabana ay la tahay Gudoomiyaha Ruuxiga ee Xisbiga Damjadiid Faarax C/qaadir (Sakiinta-Cusub)Shacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
No comments:
Post a Comment