Thursday 29 November 2012

Dagaal shalay ka dhexqarxay maamulada Somaliland iyo Khaatumo State gobolka Sool.

 

Wararka ka’imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa la baxay maamulka Khaatumo uu shalay labo jeer ka dacay degmada Xudun ee gobalka Sool, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaasna geystay khasaarooyin kala duwan.& nbsp; Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay ka dib markii ciidamada maamulka Khaatumo ay weerar ku qaadeen ciidamada maamulka Soomaaliland oo ku sugnaa degmadaasi xilli ay halkaasi ka socotay doorashooyinka dowladaha hoose ee maamulkaSomaliland.& nbsp; Dagaalka oo ahaa mid culus ayey labada dhinac waxay ka kala sheegteen guulo, Madaxweynaha maamulka Khaatumo State oo warbaahinta la hadlay uu sheegay in weerarka iyaga ay qaadeen, waxa uuna sabab uga dhigay in Somaliland ay dooneysay inay sanaadiiqda codbixinta keento degmada Xudun ee gobolka Sool.& nbsp; Madaxweynaha maamulkaas ayaa sheegay inay ku guuleysteen sida u yiri inay baajiyaan in halkaasi ay ka dhacdo wax doorasho ah islamrkaasna ay khaasro xooggan u geysteen ciidamada maamulkaSomaliland.& nbsp; Dhinaca kale wasiirka arrimha gudaha ee maamulkaSomalilandayaa sheegay in ciidamadoodu ay ka hortageen weerar ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka la baxay Khaatuma, wuxuuna sheegay in doorashadii ay si caadi ah uga dhacday, isla markaasna dadka xudun codeeyeen sida uu ku dooday.& nbsp;

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...