Monday, 5 November 2012

XOG: Shixnado Hub ah oo u Soo Degay Al-Shabaab Iyo Qorshaha Dagaalkooda Dhuumaaleysiga



Baraawe (RBC) Ilo wareedyo ku sugan gudaha dalka ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey in toddobaadkii hore hub isugu jira noocyada kala duwan ee hubka kaasoo ka yimid dalka Yemen.
Hubkan oo aan tiradiisa si dhab ah loo heyn ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka mid ahaayeen miinooyinka dhulka, bambooyinka gacanta, hubka lagula dagaalamo taangiyada, baasukeyaal iyo qalabka isgaarsiinta fooneeyaha gacanta lagu qaato oo ay isticmaalaan askarta.
Ilo wareedka ayaa xaqiijiyey in doon nooca xamuulka qaada oo hubkan waday ay Isniintii taariikhdu ahayd 29/10/2012 ku soo xiratay meel u dhexeysa degmada Baraawe iyo deegaanka Geesguud oo qiyaastii 13-km dhanka galbeed ka xigta magaalada Baraawe, waxayna doonta halkaasi ku sugneyd mudo labo habeen ah oo laga rogayayey hubkan u yimid ururka Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa hubka noocyada kala duwan ku daabulay gaadiid xamuul iyadoo loo kala qaaday hubkan dhanka degmooyinka Baraawe iyo Jilib halkaasoo ay hadda ku sugan yihiin saraakiil fara badan oo Al Shabaab ka tirsan.
Wararka ayaa sheegaya in hubkan qaab ganacsi looga soo qaaday dalka Yemen, waxaana qiimihiisa lagu qiyaasayaa lacag gaareysa boqollaal kun oo doolar.
Hubkan toddobaadkii hore soo gaaray ururka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inuu qeyb ka yahay qorshaha dagaalka jabhadeynta ee ay kooxdu ku dhawaaqday inay ku bedeshay dagaalkii tooska ahaa ee ay kula jireen dawlada iyo AMISOM.
Ilo wareed ku dhow saraakiisha Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka Jabhadeynta ee ay hadda ku jiraan uu u baahan yahay hub ka duwan kii horey loogu dagaalami jiray, sida miinooyinka dhulka, qalabka lagu qarxiyo taangiyada, bambooyinka gacanta iyo isgaarsiinta loo adeegsado hawgalada hawdka si ay ugu fududaato in kooxo toban-toban iyo sagaal-sagaal ah ay u hawlgaliyaan dagaalyahanadooda.
Hub ka yimid Liibya
Warar kale oo Raxanreeb ka heshay saraakiil sirdoonka Soomaaliya ka mid ah ayaa xaqiijinaya inuu jiro hub kale oo noocyada casriga ay ka mid yihiin oo kooxda Al-Shabaab ka soo heleen dalka Liibya oo qeybo badan oo ka mid ah ay ka taliyaan kooxo ku xiran ururweynaha Al-Qaacida qeybtiisa Waqooyiga Afrika.
Hubkan ka yimid Liibya waxaa la sheegayaa inuu ka horeeyay midka Yemen, ugu yaraana hal bil ay u dhexeyso mudada labada shixnadood ay dalka soo galeen.
Sidoo kale tirada guud ee shixnadan lama hayo, waxaase la sheegayaa inay ku jiraan noocyada bastooladaha, qoryaha fudud ee garabka lagu qaato iyo rasaas fara badan.
Qorshaha Al Shabaab iyo wajiga xiga ee dagaalka
Dagaalyahanada Al-Shabaab oo wata tikniko iyo fardo oo Maalintii Ciidda dhoolatus ka sameeyay magaalada Ceelbuur.
Xarakada Al-Shabaab oo in badan oo gobolada iyo degmooyinka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya hadda looga awood roonaaday kadib weeraro culus oo ay wadajir u qaadeen ciidamada dawlada Soomaaliya, kuwa AMISOM, ciidamada Kenya iyo Ethiopia. Gobolada Jubbooyinka, Labada Shabeelle, xarunta gobolka Hiiraan, iyo degmooyin ka tirsan Baay iyo Bakool ayaa hadda ka maqan gacanta Al-Shabaab taasoo culeys dhinacyo badan saartay dhaqdhaqaaqii ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha ururka Al-Shabaab waxay hadda ka fekerayaan sidii ay u wajihi lahaayeen wajiga labaad ee dagaalka ay kula jiraan ciidamada dawlada iyo AMISOM, taasoo ah dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo ah nooca ay ku dhaqmaan jabhadaha duur ku jirka ah. Afhayeenada kooxda ayaa sanadkii hore sheegay inay wajigan labaad ku dhaqmi doonaan kadib markii ay ka bexeen magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere oo toddobaadkii hore ka hadlay magaalada Baraawe ayaa hadalkiisa ku daray in maalmo dhow ay ka aargudan doonaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada oo uu sheegay inaysan sii heysan doonin magaalooyinka ay hadda qabsadeen.  Sidoo kale amiirka Al ShabaabAxmed Cabdi Godane ayaa hadal kaasi la mid ah ku sheegay cajalad uu soo duubay munaasabadii Ciidul Adxaha ee sanadkan. [HALKAN KA AKHRI HADALKIISA]
Dhanka kale, dagaalyahanada Al Shabaab oo tiro ahaan si weyn hoos ugu dhacay ayaa hadda intooda badan ku jira tababaro nooc cusub ah oo loogu diyaarinayo dagaalka wajiga labaad ee jabhadeynta oo ay ka mid yihiin fuulista geedaha dhaadheer, cunista dhir miroodka, guryaha loo dhaco iyo fulinta hawlgalada qarsoodiga ah, kaasoo ah khidad ay rabaan inay ku bedelaan qaabkii maleeshiyaadka ay horey ugu dagaalami jireen oo ahaa dagaal waji-ka-waji ah.
Qaar ka mid ah dagaalyahanada la soo tababaray ayaa hadda bilaabay inay dib ugu soo laabtaan magaalooyinka ay gacanta ku heyso Al-Shabaab sida Ceelbuur iyo Baardheere.
Dadka yaqaana xeeladaha militariga ayaa ku doodaya in aalaaba ay dhib badan tahay wajihida dagaalka aan tooska ahayn, khasaarihiisuna uu badan yahay hase yeeshee saraakiisha sirdoonka waxay sheegayaan in weeraro kooban oo qarsoodi ah aysan wax weyn ka lumin doonin.


RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...