Thursday 8 November 2012

WAR HADA SOO DHACAY: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Carooday Wafdiga Laga Soo Celiyay Kismaayo Una Yeeray Saraakiisha Ugu Saraysa AMISOM


Muqdisho (RBC Radio) Waxaa goordhaweyd xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya loogu yeeray Saraakiisha ugu sar sareysa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ka dib markii maanta wafdiga dowlada laga soo celiyay magaalada Kismaayo.
Taliyaha ugu sareeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Andrew Gutti iyo saraakiil kale oo ka socota ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ay kulan kula leeyihiin xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Kulankaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii uu madaxweynaha Soomaaliya uu ka carooday wadi ka socday dowlada  iyo AMISOM oo maanta loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada Kismaayo.
Ila wareegyo lagu kal doonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in kulankaan uu haatan ka socdo madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana ay u dhanyihiin dhamaanba saraakiisha ugu saraysa AMISOM.
Maanta ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa laga soo celiyay wafdi ka socda dowlada Soomaaliya iyo waliba AMISOM, kuwaasi oo ahaa gudi uu dhowaan madaxweynuhu u magacaabay Jubooyinka.
Saraakiisha AMISOM ayaa wafdigaan waxay ku wargaliyeen in gudaha magaalada aysan gali Karin isla markaana hadii ay magaalada galaan amaanka wafdigaan aysan sugu Karin.
Wararka ayaa sheegay in saraakiisha ururka Raaskambooni ee gobalada Jubooyinka ay sheegeen in wafdigaan ka socda dowlada Soomaaliya aysan u golayn in ay yimaadaan magaaladaasi kismaayo.
RBC Radio
xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...