
Raysul wasaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wasaarado ku cusub dhegaha dadka uu ku soo daray xukuumada cusub iyadoo uu xusay inay jiraan wasaarado ka masuul ah dhowr wasaaradood shaqadii ay qaban lahaayeen.
Afhayeenka baarlamaanka iyo madaxweynaha oo labaduba hadalo ka jeediyey xarunta madaxtooyada ee shirka uu ka dhacay ayaa ka codsaday in beelaha aan wasiirada helin ay sabraan, iyadoo si gaar ah madaxweynuhu u sheegay in magacaabista wasiiradan cusub ay ugu roonaadeen dalka Soomaaliya.
Haddaba tobanka wasaaradood ee uu raysul wasaaruuhu magacaabay ayaa kala ah sidan;-
1- Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan (Ra’isul wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda).

Fowsiyo Xaaji Aadan waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha dibadda ahna raysul wasaare ku xigeen.
Fowsiyo waa haweeneydii ugu horeysay oo wasiir arimo dibadeed ka noqota dalka taasoo noqoneysa taariikh ku cusub dawladihii soo maray dalka Soomaaliya.
Fowsiyo waa qof ku cusub siyaasadda Soomaaliya inkastoo ay siyaasadda deegaanada maamuulka Somaliland ku jirtay oo ay mar madaxweynenimo u tartantay walow markii dambe laga joojiyey xisbi ay iyada gudoomiye ka ahayd, waxaana dad badan ayisweydiinayaan khibrada ay u leedahay siyaasada arimaha dibadda oo aad u yar.
Marwo Foosiya Yuusuf X. Aadan Qabille waa Gudoomiyaha Ururka Nabada, Dimuquraadiyada iyo Barwaaqada Soomaaliand “NDB” ka tirsanaaururrada siyaasadda Soomaaliland ee hadhay, isla markaana qaaddacay natiijada Guddiga diiwaangelinta Ururrada iyo ansixinta Xisbiyada Somaliland soo saareen 20-kii bishii April ee sanadkan 2012, waxa ayna beesha caalamka ugu baaqday inay ka fiirsadaan Dhaqaalaha lacageed ee ay ugu talo-galeen inay ku bixiyaan doorashada golayaasha deegaanka ee Somaliland
2- C/laahi Abyan Nuur (Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Cadaalladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta).
C/laahi sanadkii 2010 ayuu ku jiray golihii wasiirada ee xukuumadii raysul wasaare Farmaajo, wuxuuna soo qabtay isla wasaaradda diinta iyo garsoorka.
3- C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi (Wasiirka Gaashaandhigga).
Fiqi waa wasiirkii gaashaandhiga ee xukuumadii raysul wasaare Farmaajo.
Waxaa loo arkay in C/xakiin Fiqi uu ka mid yahay taageerayaasha Kooxda Damu Jadiid, laakiin dhanka kale waxaa loo arkaa in xilligii uu wasiirka ahaa ay bilaabatay habeynta ciidamada iyo daryeelka militariga dawlada oo horey u dayacnaa.
4- C/kariin Xuseen Guuleed (Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka).
C/kariin waa nin ku cusub siyaasadda horeyna wax xil ah ugama soo qaban dalka.
Dhanka kale C/kariin wuxuu ka soo galay Kooxda Damu Jadiid oo uu kamid yahay aas aasayaasheeda iyo maalgaliyaasheeda. Horey wuxuu madax uga ahaa hay’adda African Muslim.
5- Maxamuud Xasan Suleymaan (Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta).
Maxamuud waa nin ku cusub siyaasada iyo xilka wasiirnimada, waa qurbajoog mudo ku noolaa dalka UK, waxaa keenay oo uu qaraabo dhow la yahay qeyb kamid ah Maalgashadayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasaaradda maaliyada hadda waxaa lagu soo daray “Wasaaradii Qorsheynta Qaranka” oo ahayd wasaarad goonigeed u taagan.
Ciilmooge waa nin ku cusub siyaasada iyo golaha wasiirada. Ciilmooge waxa uu xiriir ganacsi kala dhexeeyaa qaar kamid ah qoyska Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo ay saaxiib yihiin.
7- C/risaaq Cumar Maxamed (Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka).
C/risaaq waa madaxweyne Xasan Sheekh abtigiis.
Wasaaradan Kheyraadka dalka waa mid cusub, waxaase ay ka kooban tahay dhowr wasaaradood oo la isku geeyay; sida wasaaradii Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, wasaaraddii macdanta, tamarta iyo biyaha, wasaaraddii beeraha iyo wasaaradii xannaanada xoolaha.
8- Muxyidiin Maxamed Kaalmooy (Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska). Kaalmooy waxay qaraabo yihiin Shariif Xasanb Sheekh Aadan, waxaase jira saaxiibo uu ku leeyahay madaxtooyada iyo Kooxda Damu Jadiid dhexdeeda.
Wasaaradan waxaa horey loo dhihi jiray “Hawlaha guud iyo Guriyeynta” halka hadda lagu bedelay “Dib u dhiska”.
9- Maryan Qaasim (Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada).
Maryan Qaasim waxay ka mid ahayd xukuumadii raysul wasaare Farmaajo oo ay ka ahayd wasiirka haweenka iyo qoyska.
Wasaaradan waa mid cusub waxayna ka kooban tahay dhowr wasaaradood oo ls idku daray sida; wasaaradda caafimaadka, wasaaradda waxbarashada, wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo wasaaradda haweenka.
Dad badan ayaa qabay in wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada ay yeeshaan wasaarado gaar ah maadaama ay yihiin kuwa ugu muhimsan ee dalku u baahi qabo mar walba.
10- Maxamuud Axmed Xasan (Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha)
Wasiir Maxamuud isaguna waa shakhsi ku cuub jagada wasiirnimada, halka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha sidii hore loo daayey.
Dhanka kale xukuumaddan cusub ayaa laga rabaa inay baarlamaanka ku tagto mudo toban maalmood gudahood ah si ay codka kalsoonida u weydiisato baarlamaanka.
No comments:
Post a Comment