Wednesday 28 November 2012

Isbaarooyinkii Yaalay Degmada Madiina Oo Saaka La Qaaday

Wadajir (RBC Radio) Waa saaka laga nadiifiyay degmooyinak Dharkeyley iyo Wadajir ee magaalada Muqdisho Is-baarooyin halkaas teedsanaa oo lacago shari-daro ah looga qaadi jiray baabuurta dadweynaha iyo kuwa gaarka loo yeelay.
Dadka ku dhaqan labadan degmo ayaa saaka ku soo toosay iyadoo wax jid-gooyin ah aysan yaalin labada degmo oo gaadidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo lee yahay ay iska dhex mushaaxayaal degmadda.

Markii hore waxa labadan degmo yaalay in ka badan 8-bar-kontarool oo lacago sharci daro ah lagu qaadi jiray.

Darawalada gaadidka dadweynaha oo la hadlay RBC Radio ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihin isbaarooyinka buuxay labada dagmo in la qaado.

Hadal heynta ugu badan saaka labada degmo ayaa ah isbaarooyinka laga aruuriyay xaafaddaha labada degmo oo ah kuwa ugu badan ee jidgooyin ay yaaleen degmooyinka magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa daba socota war uu toddobaadkan sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in la qaado isbaarooyinka yaalay magaalada Muqdisho oo kor u dhaafaya illaa 60-jidgooyo sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Labadan degmo waxa dadka ku dhaqan ay sheegeen in isbaarooyinka yaalay ay lee yihiin jufooyin xiriir dhow uu ka dhexeeyo guddoomiyaasha degmooyinka Axmed Daaci iyo Macalin Hilowle.

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxa toddobaadkan ka bilowday howlgalo isbaarooyinka looga qaadayo degmooyinka magaalada Muqdisho, taasoo la sheegay in lacago sharci daro ah looga qaado baabuurta dadweynaha iyo kuwa kale ee ka shaqeeya magaalada.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...