Thursday 8 November 2012

Ra'iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay banaan bax lagu taageerayay Xukuumadiisa (SAWIRO)


Banaan bax ballaaran oo lagu taageerayay Xukuumada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Conis, kaasoo ay ka qeyb galeen boqolaal ruux oo ka kala socday 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, iyadoo banaan baxan uu ahaa nuuciisa kii u horeeyay oo mudooyinkan dhaca.

Dadweynaha isugu soo baxay banaan baxa oo u badnaa haween iyo ardayda iskuulada ayaa gawaari waa weyn looga soo kaxeeyay degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoo sitay boorar taageero loogu muujinayo Xukuumada cusub ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlay banaan baxa ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay tixgeliyaan dareenka shacabka, isla markaana aanay meesha ka saarin inay matalaan shacabka.

Mr Tarsan ayaa ku tilmaamay Xukuumada cusub mid wax yar leh, isla markaana kooban, isagoo tibaaxay inay dhamaatay waagii la dhihi jiray iskama arkin muraayada, oo beelaha qaar aanay u sinaan jirin hab qeybsiga, waxaana uu cadeeyay in dhamaan shanta beelood loo wada simay.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka qeyb galay banaan baxa ayaa sheegay inay dhiira gelineyso dareenka shacabka, isla markaana ay aqristeen rabitaankooda, waxaana uu cadeeyay in sanadkan kiisa kale ay shacabka si nabdoon isugu soo bixi doonaan.

Ra'iisul Wasaare Saacid oo ay dhinacyadiisa taagnaayeen Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga ayaa sheegay inay Soomaaliya ka qaadi doonaan halka ay iminka taalo, isagoo u balan qaaday shacabka Soomaaliyed in Xukuumadiisa ay wax badan ka qaban doonto arrimaha horyaala.

"Soomaaliya meesha ay hadda joogto meel ka wanaagsan inaan gaarsiinno ayaa naga go'an. Waayo waxaanu akhrinnay erayadii aad sheegteen iyo shucuurta ka muuqata wajiyadiinna, waxaana hubaa inaan si wadajir ah uga qaadi karno halka ay Soomaaliya maanta taallo," ayuu yiri Ra'iisul wasaare Shirdoon.

Banaan baxan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu taageera Xukuumada cusub ee Soomaaliya, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli maalin qura ay ka harsan tahay in la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, si codka kalsoonida u hesho, waxaana qorshuhu yahay maalinta sabtida ee soo socota.






































Riix halkan(CLICK HERE)Soo booqo jowharsport.com


Hoyga wararka Somaliyeed 
www.jowhar.com 
jowharnews@gmail.com 
jowharcom@hotmail.com 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...