Thursday 29 November 2012

Rabitaanka Shacabka iyo Dareen La'aanta Dam, Jadiid , Fashil bay Ku Dambeyn.XOG CULUS.



Ilaa iyo intii la lagu dhawaaqay natiijadii madaxweynaha Soomaliya uu meesha ku yimid waxaa shacabka soomaliyeed ay u dhagtaagayeen in Madaxweynuhu howlihii dowlada meesheedii uu ka sii wadi doono iyadoo dardartii socotay ay siilaba jibaarmi doonto soomaliduna waxay ku doodaa ,,bir kuleylkaa lagu jaraa oo macnaheedu yahay wax waliba inta xiisaha iyo dhadhanka ay leeyihiin ayay ku wanaagsan tahay in la qabtaa iyadoo ay jirto xikmad oraneysaa dib u dhigashadu waa tuuga waqtiga ''Procnastication is the thief of the time ''

Hadaba anigoo ka duulaya Rabitaanka shacabka ee 90% ayaa waxaa jirta guux hoose oo beryahan dambe ay wadaan dadka ka ag dhow madaxweynaha DFS. kuwaasi oo talo ahaan ku siiyay madaxweynaha in ay dhici karto in haddii uu magacaabo qof ka taageero badan xaga shacabka ay dhici karto in madaxweynuhu markaas uu noqon doono Nagaso gidhadhaha dalka ethopia oo isagu matala madaxweyne sharafeed oo kaliya si taasi looga fogaado ayay gacan yarayaashu u soo jeediyeen madaxweuynaha in uu meesha keeno shaqsi dhago furan mida kalana aan sidaasi caan u ahayn shacabkuna aysan aqoon u laheyn isla markaasna safarada xaga baratacolka dowladaba uu madaxweynuhu fursad u heli karo oo aysan dhici doonin cid ku qabsata safarada dibada.

Hadaba talada aqoonyahanku way ka duwan tahay taasi oo Marka laga hadlayo dal fashilmay sida soomaliya oo kale waxaa loo baahnaan karaa oo xalku uu ku jiraa qiimaynta shacabka soomaliyeed mar kastaana loo dhag raariciyo rabiytaankooda taas macnaheeda yaan ula jeedaa in haddii la iska dhowro shaqsiga wax qaban karaa ama wax ku soo kordhin karaa howlha cakiran ee dalka , markaasi ay abuuri karto wada shaqeyn la'aan xaga shacabka ah iyo aqoon daro la soo darista howlaha dowlada oo ay dhici karto Corruption iyo nin kastaaba malgacadaada darso. inta aad meesha joogto,siddii hore u dhacday.


PUNTLAND.


Waxaa kale oo in la if tiimiyaa u baahan sida ay wax noqon karaan haddii laga gudbo Dowlad goboleedka puntland oo ah maamul goboleed isagu taageero badan oo dhanka moralka siin jiray dowladihii ka horeeyay tan oo ay dhici karto in atooraha hadalada xanafta leh ku hadlaahi uu ku dhawaaqi karo in ay ka go'een soomaliya inteeda kale dhaqaalihii maamulkaasna caalamku si toos ah loo siiyo tiiyoo ay horeyba u go'day maamulka Somaliland oo isagu la rabo sidii loo soo dhaweyn lahaa loolana hadli lahaa marka dowladu salka dhigto shacabka ma dan baa ugu jirta in dowlad goboleedyo awood leh ay meesha yimaadaan iyadoo dowlda dhaxena markaassi ay noqon karto mid fadhiid ah oo ay howlaha atoorayaasha maamul goboleedyadu ay awood u helaan in ay mansab ahaan isu arkaan kuwo u dhigma madaxweynaha dowlada dhexe ,sidii horeba u dhacday ee saxiixayaasha roadmapka .

JUBBOOYINKA.
Arrimaha kale oo xusida mudan ayaa ah maxaa ka soo bixi kara Jubooyinka oo raga siyaasada kariyaa leeyihiin guuxa beelaha degaanku waa mid ay ku doonayaan in maamul madiidin u ah dowlada kenya caalamkana ay ka gadoo inuu meesha ka soo baxo oo ay hor boodeyso dowlada kenya si ay danaheeda xaga istuiraatijhayadeed ugu fushato soomaliya gaar ahaan maamulka jubboyinka ay ay kenya unki doonto markaa waxaa maqrag ma doonto ah in siyaasada dowlada dhaxe ee soomaliya aysan ahaan doonin mid awood u yeelata inay u yeeriso maamul goboleedyada waxa ay rabto iyagoo si toos laga yaabo ina ay caalamka iyo heysadaha gargaarkaba uga codsadaan in lala macaamilo sida maamulka soomali land oo kale Anigoo tix raaceyna hadal hadda ka hor ka soo yeeray Gudd.xigeenak parlamanka kenya Faarax Macalin Dawara ,, oo ahaa wiilka kismaayo ku dhashay Xamar jaamacad uma aadi doono taasi oo macnaheedu yahay Jubboyinka ayaan u tashan doonaa .


TALADA DHABTA AH EE WAXGARADKA IYO AQOONYAHANKA.


Hadaba talada waxgaradka, Aqoonyahanka, iyo dadka xeeldheerayaasha, ah ayaa waxa ay talo ahaan ugu soo jeedinayaan Madaxweynaha DFS inuu ka fogaado waxa keeni kara tafaraaruq iyo kala go'goid xaga maalulada ah oo ay wanaagsan tahay in la isku hayo maamulada dalka dadkuna ay iska dhex arkaan dowlada JfS.

Maadaama Dowladu aysan aheyn mid ku meel gaar ah .hadana ku dhisan beelo awooda dalka ay tahay in loo qeybiyo si xaq ah oo aan laheyn sad bursi iyo beelo gaar ah oo la tix galiyo lagana fakaro waxa soo socda iyo ficilada dowlaha dariska ah oo u hanqaltaagaya ka faaiideysiga qeyraadka Dalka Soomaliya .in la tix galyo Istiraatijiyada Dowlada Turkiga oo ay ku Hormarineyso Dalka Soomaliyeed Si simana loogu faa’iideyo Gobolada Dalka Howlaha mashaariicda ee dowladaha Sxbka la ah Soomaliya.
Qalinkii Dr Mohamud Wadi Ibrahim
Paris France
mwadi@hotmail.fr

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...