Thursday 29 November 2012

Nin oday ah oo isku dal dalay gurgiisa oo kuyaala Muqdisho ,

 


Nin ganacsade ah ayaa la sheegay inuu isku dal-dalay hoygiisa oo ku yaala xaafada Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ,waxana aad uga arga gaxay falkan uu ku kacay Ninkan dadkii garanayya oo guriga ugu galay..
Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ninkaasi uu goob ganacsi ku lahaa meel ku dhow hoygiisa, waxayna intaa ku dareen in da’diisa lagu qiyaasay Illaa afartan sano jir.
“Ninkaas meydkiisa waxaa laga helay qolkiisa, isagoo is daldalay oo qoortiisana uu ku jiro xarig ka soo laalaada saqaafka sare ee guriga, aad ayaan uga argagaxnay arintaas” sidaas waxaa yiri nin ka mid ahaa dadka degaanka oo saxaafada la hadlay.
Dhacdadan ayaa aad looga hadal hayaa xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, lamana oga illaa hadda sababta uu ninkaas isku da-dalay, inkastoo dadka aqoonta u lahaa qaarkood ay sheegayaan in ninkan uu maalmahanba isku buuqsanaa oo maskaxda looga jiray .

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...