
Wuxuu sheegay in dhowaan la samayn doono maamul gobalaeed u gaar ah gobalada Jubooyinka kaasi oo lagu dhisi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka jubada Hoose.
Sheekh Axmed Madoobe wuxuu sheegay in todobaadka soo socda ay magaaladaasi soo gaari doonaan ergo ka socota ururada caalamig ah dowladaha dariska iyo waliba qurba joog ka soo jeeda gobaladaan, isla markaana la qaban doono shir weyne maamul lagu samaynayo.
Wuxuu si cad u sheegay Sheekh Axmed in uu yahay musharax u taagan hogaanka maamulka loo samaynayo gobalada jubooyinka isla markaana uu ka qaybgali doono doorshada.
Sidoo kale wuxuu sheegay Sheekh Axmed Madoobe in uu doonayo in laga baxo qabyaalada isla markaana qaab deegaan wax lagu soo doorto, sidoo kalana dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobaladaan ay doortaan cida ay doonayaan.
Ugu danbayntii Sheekh Axmed madoobe wuxuu ka hadlay xaalada amaanka ee gobalada Jubooyinka deegaanada ay ka joogaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM wuxuuna sheegay in amaanka uu yahay mid wanaagsan oo leesku halayn karo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment