Thursday 29 November 2012

Siyaasada magacaabida RW :Ka-daroo dibi dhal !( All sheek ilaa dam-jadiid) -Sir Culus



Waxaa ay somali u dhaqaaqday loona doortay isbedel waxaa la doortay madaxweyne siyasada ku cusub, madaxweynihii loo hanweeynaa oo u muuqday nin daacad ayaa waxaa ku qaadatay bil ah inuu soo magacaabo qofkii ugu horeeey ee magacaabi lahaa . Hadaba waxaa doonayaa inaan shacabka soomaliyeed u soo bandhigo sababta ay arintaasi ku dhacaday aniga oo xogogaal ah u ah wixii dhacay Madaxtooyada soomaliya , kadib markii uu waramay qof ka shaqeeya madaxtooyada oo aan dooneeynin in magacuusa la shaaciyo. waxaa madaxweyne Hassan sheikh qabsatay laba daran mid dooro. Waxaa markiiba soo baxay sedex awoodood iyo arimo badan oo siku miliqsan oo tartan kuwada jira, doonayaana inaay iyagu madaxwenaha talidiida gacanta ku hayaan.

1.Islaaxa dhiiga cusub ( Dam-Jadiid)

Maalmo kadib markii madaxweynaha la doortay , waxaa u soo baxday dam-jadiid in madaxweynuhu uu la dhacsan yahay islamarkaasna uu doonaya shaqsi ay shacabka soomaaliyeed la dhacsan yihiin islamarkaasna lagu maleeynayo karti iyo hufnaan. Waxaa shir degdeg ah isugu yimid wadaad siyaasadeedka al-islaax ( damu jadiid) waxaa ay goaansadeen in RW iyo golahooda wasiirada diyaarsadaan kana miyaamdaan asxaabtooda. Waxaa qalinka lagu boobay qofkii noqon lahaa RW oo ay markiiba u doorteen in laga dhigo shaqsi ka soo jeeda Beelaha reer Gedoodka iyo Caabudwaaq oo ka mid ah DJ, arintaas oo madaxweynuhu ku diiday in wadaad dam-jadiid ah uu magacaabo Taaso shaki badan gelineeysa reer galbeedka, kuna raacay goaanka danbe ee ahaa in ay wasiirada muhiimka ah soo diyaarsadaan kuna qasaan rag iyo dumar aad DJ Ka tirsaneeyn laakiin. fikirkooda raacsab. Waxaa muuqatay in DJ ay goaansadeen wax aysan la socon inanay ka hir gelin madaxtooyada soomaliya irid walbana dhigeen DJ. waxaa oo kale dhacday in damu jadiid ay madaxweyaha ka riixeen fikirkiisii siyaasadeed ee inuu wadan wax qabto ummada oo kaliya , waxaa ay u sheegeen inaanu marna keenin nin magac weeyn ku leh soomalida dhexdeeda taaso dhibaato hadhow uga iman karto awoodiisa madaxweynaha iyo dhismaha golaha wasiirada. Sidaas darteed hadii uu diiday RW Dam-jadiid uu raadsado RW kale oo saraaxada siyaasad a ku cusub, caano madaad-shena ah.
Waxaa kale oo dhacday in DJ ( Dam jadiid ) kula taliyeen inuu ka leexdo RW La yaqaan kasoo ay yiraahdeen Qatar weeyn ku ah ku musharaxnimo mustaqbalka 2017 oo laga yaabo inuu madaxweeynuhu noqdo nin magic u yaal ah RW uu noqdo nin kula tartamo mustaqbalka sidii sh shariifaba ku dhacday. Ragaas ka tirsan la taliyeyaashiisa ah oo dam-jadiid oo kaliya aan ahan ayaa ku yiri madaxweynaha waa inaad magacaawdo RW Sida ugu dhaqso badan ka soo jeeda beesha shacabka muqdisho la dhacsan yihiin si ugu kicin oo aanay uga soo horjeesan kuna wareeraan wixiii ay sameeyn lahaayeen waa sida hadab dhacday.
Damu -jadiid waxaa ay madaxweynaha ku handadeen in hadii uu hogaansami waayo meel cidla ah kaga dhaqaaqi doonaan. Waxaa la isla ogolaaday in tartamayaasha Jagada RW loo geeyeyo liiska golaha wasiirada damu-jadiid ay jeclaan lahaayeen tasoo labo ka mid ah tartmayaashii RW ay diideen in wasiiro laga hadlo iyada oo aan la magacaabin Wasiirka koowaad arintaasi waxaa aad uga careeysiisay hogaanka dam-jadiid iyo rag dal yo dibada uga xiran madaxweeynaha . madaxweeynaha oo Talo ku cadahay ayaa kadib u dhoofay baydhabo.


2. Cadaadiska wadamada dariska ah.

Inskasta oo madaxweynuhu meel iska dhigay cadaadiska dalka keenya , oo ay hoos ka wadaan raga ay dhalashadoodu Somali tahay oo keenyaan ah oo doonaya in ay beel ahaan u qabsadaan jubba land iskun xiraan xukun ay iyagu leeyihiin ee isheeysta min jubbada-keenya wajir-ilaa Jigjiga, hadana waxaa madaxweynuhu aad ula yaabay shirar isdaba jooga ah oo ka socday safaarada itoobiya ee muqdisho , oo ay ku kulmayeen , taaageerayaasha shariif sakiin ee laga raayey iyo xulafadii itoobiyaanka , waxaa shirarkaas intooda badan jooga RW cusub hada la magaacabay ee saacid faarax garaad. Waxaa shirkaas gudoominayey Safiirka itoobiya Cabdicasiis Ahmed aadan "guruguru" oo isagu ah nin soomali sheegta dhalashi ahaan laakiin tigeey somaali ku dhex koray ah iyo general Gabra Dila Gudoon oo soomaliya aad looga yaqaan.waxaa uu cabdicasiis madaxtooyada inoogu yimid ayuu yiri qofkaan inoo waramay in ka badan 13 jeer tan markii la doortay madaxweynaha cusub oo hada jooga bil kaliya . waxaa habeen kasta guriga safaarada oo ku dhexyaala madaxtooyada lagu qabtaa qayilaad rag iyo dumarba ah habeen kasta , marmarna waxaa uu yimaadaa marka qaadka uu ka soo koco isaga oo aan balan uu lahaa aysan jirin rag kale duwana ay waheliyaan.

Waxaa uu madaxweynaha soo gaarsiyey intii uusan baydhabo aadin In wafdi ka socda dowlada itoobiya ay doonayaan in ay kula kulmaan magaalada baydhobo , kana soo duulayaan addis-ababa taasoo uu madaxweynaha soo gaarsiiyey safiirka somalida ee itoobiya saacado ka hor inaanu ambabixin. Kadib markii la tagay bayshabo oo ay dhamadeen arimihii gobolka loo tahay waxaa uu madaxweynuhu si gooni ah u arkay wafdigii Raisal wasaaraha itoobiya waxaanay u dhiibeen warqad ay ku qoran tahay in dowlada itoobiya dooneeyso in Saacid faarah garaad loo magacaabo RW soomaliya islamrkaasna ay ka soo dhameeysay inaanu waxba ka oran Karin Dr. Cabdiraxmaan faroole , madaxweynaha puntland. Oo habeen ka hor saraakiisha itoobiya ogoleeysiiyeen. Waxaa kale oo loo sheegay in hadii uu magacaabi waayo ay ka baxayaan magaalooyinka ay soo galeen ee Hiiraan/ beletwein iyo iyo bay iyo bakool/baydhabo. Oo arintu noqon doonto meeshii ay joogtay 4 sano ka hor Arintaas waxaa ay madax weynaha ku noqotay yaab iyo amakaag.
Intaas kadib ayaa madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtay magaalda muqdisho oo la tashaday la taliyeyaasha islaax/DJ iyo rag kale oo ku dhow dhow waxaana lagu goaansday in si arintaa loogu raali geliyo wadamada dariska al magaaaco sacid faarx garaad. Sidaas darteed ayaa madaxweynaha oo ka xun magacaabay saacid Faarax shirdoon. Waxaa markaas kadib mar isku raacay inaan lagu dhawaaqin maalintii jimcada ahayd oo la filayeyey ee 5 octoobar. Waxaana laga baqay in shacabka ay mudaaharaad ka sameeyaan arintaan oo aan wax la qaadan Karin ah. Madaxweynaha oo markii uu ku dhawaaqayey Saacid faarax garaad waxaa uu yiri waa la arki doonaa hadii uu wax qaban karo . taasi waxaa ummada soomaliyeed u cadeeynaysay inaan magacaabidaan isaga ka iman ee ay tahay mid lagu cadaadiyey.

3. Cadaadiska dowladii RW cabdiweli iyo Faroole

Markii loo sheegay in Cabdi weli gaas aanu ahayn RW cusub, kana imaamneey beeshiisa waxaa uu degay staratajiad ah in aanu booska qaban rag uu filaayo inaay wax la yaqaan qaban doonaan soomaliya iyo muqdisho gaar ahaan, qof kasta oo siyaasada baneeya waxaa uu jecel yahay inuu ka danbeeyo mid liita oo wax ma tare ah . waxaa cabsi badan iyo walwel galisay in baaritaan gelin doonaan wixii dhacay sanadkii la soo dhaafay iyo meeshii ay hashay dhaqaalihii ee ciidamada iyo shaqaalaha dowlada mushaarkooduii loo lunsaday. Hadii ay yimadaan rag dowald yaqqaan ah. Waxaa uu geed dheer u fuulayinaan marna la soo celin booskiisii hore, waxaa uu saacid ku abaal mariyey inuu tageerayo in asiga lagu bedelo hadii uu balan la galo waana lagu heshiiyey. Saacid faarax garaad , Caasho xaaji Celmi ( asha Neero) iyo cabdiweli Maxamed cali waa saaxiibo dhuusamareeb ku soo wada koray.waxaa ay kawada baxeen kuliyadii dhaqaalaha ee soomaliya. Goaankaas oo meel la isla dhigay ayaa beelo daarood u badan uu cabdiweli soo abaabulay madaxweynaha ula tageen sidoo kale madaxweynaha lagu cadaadiyey inuu saacid ku bedelo cabdiweli Cali gaas. Ha yeeshee meesha saacid faarah garaad marna kama qaybqaadan in saacid laga dhigo RW.
Saacid Faarax Shirdoon Waa nin Caynkee ah ?

Waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1958, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin dabaccad badan, oo qof walba la heshiis ah, waxaa u soo gudbay Muqdisho oo dugsi sare kadib uu Ka qalin jabiyey kuliyadii dhaqaalaha ee J.U.S 1983. Waxaa markiiba shaqo ka bilaabay waasaradii maaliyada mudo halsano kadib ah waxaa uu dayn lacageed 100 milyan oo shilin Somali ah ah ka qaatay Bankigii ganacsiga iyo kayadka soomaliyeed, lacagtaas oo lagu sheego inuu ganacsi ku bilaabay. Ha yeeshee waxaa uu markiiba bilabay inuu Baabuur iyo guryo ku iibsado lacagtii oo ilaa iya hada aanu dib u dhiibin . Waxaa uu dalka ka baxsaday kadib marii ay sidoo kale baxsadeen rag kale oo ay saaxiibo ahaayeen. Saacid waxaa uu degay oo dhalasho ka qaatay dalka keenya isagoo ku leh xaas iyo caruur. Waxaa u dhaxda Marwo aad loo yaqaan oo karti badan waa xildhibaan Caashi xaaji elmi . waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin balwad badan oo aan shaqeeyn 20 sano ee La soo dhaafay. Waxaa aan marna laga weeynin masraxyada qayilaada ee nayroobi. Waxaa ay halkaas isku barteen rag badan oo keenya iyo itoobiya aad ugu xiran sida shariif sakiin , ahmed cabdisalaan Xaaji aaden , oo ah ninkii ku xiray muqaabaraadka itoobiya in ay saacid maalgashadaan mudo 6 sano laga joogo. Saacid faarah garaad waxaa loo doortay inuu yahay hayin wixii laga rabo lagu fushan karo. Laakiin somalidu waxa tiraahdaa Rag iyo duurba wax walba ka filo. Hadii aan ilaah u bixin rag iyo dumar culculs oo geesaha ka gala waxaa ila yahay in soomaliya ay ku dhacday god kale oo afar sano kale oo iska dab wareeg ah dowlada soomaliyana laga maamuli doono itoobiya. waxaa arintan si wanaagsan laga arki doonaan marka uu magacaabo golaha wasiirada oo ka kooban damjidiid iyo taageerayaashii amxaarada iyo keenyaatiga meesha uu u socdo. Waa hadiiba golaha shacabku ay ogolaadaan isaga.

Gabo gabo:
Inkasta oo Saacad Faarax Garaad lagu dhawaaqay inuu yahay RW cusub ee soomaliya hadana arintu meel gabo gabo ah ma joogto waayo waxaa haray, baarlamaanka soomaliyeed uu guuxaayo sida shacabka ay u guuxayaan ula yaabeen madaxweynaha inuu dib u soo nooleeyo awoodii siyaasadeed ee itoobiyaanka ee la dhimatay Meles Zinaawi, tii shariif sakiin iyo raga u olaleeya in siyaasada guracan ee in soomaliya ay gaacanta ugu jirto itoobiyaanka iyo keenyaatiga . waxaase muuqata in ay gacmaha u qabteen madaxweeynaha in itoobiyaanka maamulaan maslaxada shaqsiyadeed e ururka damjadiid oo iyagu fiirsanaya dano shaqsi ah . Hadii Golaha shacabku diidaan oo u hiiliyaan madaxweynaha iyo guud ahaan ummada soomaliyeed waxaa suurta gal ah in soomaliya ay ka badbaado inaay dib u hoos fariisato Siyaasada xooga badan ee wadama dariska ah.lana soo magacaabo RW ay soomalida ogolaan karto kuna sifoobay karti hufnaan Iyo wadaninimo.

Cali Suguleh Hersi
Mogadishu, Soomaliya
asugule9@gmail.com

1 comment:

Anonymous said...

Having read this I thought it was really informative.
I appreciate you taking the time and energy to put this content
together. I once again find myself personally spending way too much time both reading and leaving comments.
But so what, it was still worth it!
http://www.twitterfollowersreviews.webs.com

My web site - broxmeyer

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...