Wednesday 7 November 2012

arxada gawaarida la dhigto ee Masaajidka Isbaheysiga+Sawirro


Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku geeriyootay saddex kalena oo uu ku jiray wiil kabaha caseeya waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax loo adeegsaday gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka Masaajidka Isbaheysiga.

Gaariga oo ahaa nuuca loo yaqaano Rooneyd ayaa ku hor qarxay barxad baabuurka la dhigto oo ku hor taal Xarunta Baarlamaanka ee Golaha shacabka, iyadoo qaraxa ahaa nuuca waqtiga lagu xiro.

Qaraxa oo ahaa mid aad u weynaa ayaa qasaare u geystay dhowr gaari oo yaalay banaanka Masaajidka Isbaheysiga, waxaana inta badan gawaaridii Xildhibaanada ay ka kaxeysteen goobta markii uu soo dhamaaday kulanka baarlamaanka.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka Gobolka Banaadir Warsame Joodax ayaa ku eedeeyay in Al-Shabaab ay la damacsanaayeen in shacabka ay dhibaato ugu maleegeen, isagoo xusay in qaraxii labaad oo fashilma uu yahay.

Saraakiisha dowladda ee gaaray halka qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg, inkastoo uusna saxaafada war siin, hase ahaatee weerarkan ayaa la is weydiinayaa sida uu ku yimid, maadaama halka gawaarida la dhigto ay tahay meel Xildhibaanada gawaaridooda u badan yihiin xilliyada ay shirayaan ammaankana uu yahay mid aad u adag.

Waa qaraxii labaad oo todobaad gudihiis ka dhaca magaalada Muqdisho, isla markaana aan qasaare badan uusan geystan, iyadoo sabtidii ay aheyd markii labo nin oo waxyaabo qarxa isku soo xiray ay isku qarxiyeen afaafka hore Maqaaxida The Village ee Xaafada Zone K ee degmada Hodan.













Riix halkan(CLICK HERE)Soo booqo jowharsport.com


Hoyga wararka Somaliyeed 
www.jowhar.com 
jowharnews@gmail.com 
jowharcom@hotmail.com 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...