Wednesday 28 November 2012

Baydhabo: Masuuliyiinta Gobolka Iyo Siyaasiyiin Xabsiga Ku Jira Habeenkii Labaad

Baydhabo (RBC) Waxaa xabsi ku yaalla magaalada Baydhabo ku jira habeenkii labaad masuuliyiin ka mid ah kuwa gobolka Baay iyo siyaasiyiin kadib markii shalay ay xireen ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Masuuliyiinta heerka gobol iyo saraakiisha isugu jirta ee u xiran ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa ka mid ah;
1) Shiine Macalin Nuurow oo ah gudoomiye ku xigeenkii gobolka Baay.
2) Nuur Maxamed Macalin oo ah sarkaal ka tirsan maamulka degmada Baydhabo.
3) Xuseen Maxamed Bukurow oo sheegta inuu yahay madaxweynaha maamul goboleedka Ganaane State.
Xariga masuuliyiintan ayaa yimid wax yar kadib markii ay shalay gelinkii dambe ka soo laabteen safar ay ku tageen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka halkaasoo wadahadalo ay u joogeen. Waxaana isla markii ay diyaarada ka soo degeen shalay xabsiga u taxaabay askarta Itoobiya ee ku sugan garoonka diyaaradaha Baydhabo.
Lama sheegin sababta loo xiray, hase yeeshee sarkaal la shaqeeya gudoomiyaha gobolka Baay oo aan rabin in magaciisa la xigto ayaa Raxanreeb u sheegay in xubnahan la xiray safar aan loo ogolaanin ay ku tageen Muqdisho ayna wadeen abaabul lagu sameynayo maamul goboleed la baxay “Ganaane State”.
Saraakiisha Itoobiya kama hadlin xariga ay u geysteen saraakiishan oo mudo labo habeen ah ay xabsiga ku hayaan. Itoobiyaanku ma leh afhayeeno lala xiriiro oo saxaafadda la hadla.
Dhalinyaro la xiray oo la siidaayey
Dhanka kale, waxaa galabta dib loo siidaayey illaa 11 dhalinyaro madax u ahayd ururada ciyaaraha iyo nabadda ee degmada Baydhabo kuwaasoo shalay ay xireen ciidamada maamulka Baydhabo.
Dhalinyaradan ayaa waxaa ku jiray gudoomiyihii ciyaaraha ee degmada Baydhabo Daahir Samaraano iyo gudoomiyaha urur maxalli ah oo nabadda ka shaqeeya oo la yiraahdo Saabir Colaad.
Xariga dhalinyaradan ayaa iyana la xiriirtay soo dhoweyn ay u sameeyeen wafdiga ka soo laabtay Muqdisho iyagoo gawaari iyo dadweyne isugu soo bixiyey si ay u soo dhoweeyaan masuuliyiinta uu ku jiray gudoomiuye kiu xigeenka gobolka Baay ee Muqdisho ka soo laabtay.
Maanta gelinkii dambe ayaana dib loo siiyey xoriyadooda kasdib markii illaa shalay ku jireen saldhiga degmada Baydhabo.


RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...