WAXAA LA AKHRISTAY 19 MAR
Xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay taageero dheeraad ah siin doonto dowladda Soomaaliya, si sanadkaan doorashooyinka Soomaaliya ay ugu dhacaan sidii loogu tala galay.
Xoghayaha arimaha dibadda dowladda Mareykanka John Kerry ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageerayso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dimuquraaddiyadda iyo sidoo kale hormarka Soomaaliya.
John Kerry ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanku ay ku rajo weyn tahay in doorashada sanadkan ay noqoto mid ku dhacda dimuquraaddiyad iyo ammaan.
Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya ,waxaana dowladda Mareykanku ay dhawaan u soo magacowday Soomaaliya safiir cusub.
No comments:
Post a Comment