Saturday 2 July 2016

Mid Kamid Ah Howlwadeenada Warbraahinta Qaranka Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

WAXAA LA AKHRISTAY 172 MAR

Muqdisho,(SONNA):- Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dilay Alle ha unaxariistee Sh Cumar Xuseen Xasan Oo Ka Tirsan Howlwadeenada Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan Radio Muqdisho iyo SNtv.
Guddoomiyaha Degmada Xamar Jabjab Maxamed Cismaan Dhoorre, ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in Sh Cumar ay Dileen kooxo Bastoolado ku hubeysan xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla gudaha degmada oo uu ku soo Tukaday Salaadda Cishe.
“Shekha wuxuu Imaam ka ahaa Masjidka Dekadda, waxaa dilay Bastooladleey oo goobta ka baxsadeen dilka kadib waana lagu raad joogaa”. Ayuu yiri Dhoorre.
Maleeshiyaadka Kooda Al-shabaab ayaa caan ku ah dilalka iyo beegsashada Culimada iyo dadka ka dhex muuqda Bulshada Soomaaliyeed.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...