Wednesday 13 July 2011

Akhriso Bayaankii Qurbojoogta Cale Saleebaan ee Waqooyiga Ameerika ku Taageereen Kii Dubai





Somalimidnimo.com:- Waxaan idiin soo gudbineynnaa nuqul ka mid ah bayaan ay soo saareen Qurbojoogta Cali Saleebaan ee Waqooyiga Ameerika. Waxay ku taageereen bayaankii ay horay Beeshu uga soo saartay Dubai. Waxay u dhigeen bayaanka cusub ee Qurbojoogta Cali Saleebaan ee Waqooyiga Ameerika sidan:
BAAQA QURBA JOOGTA CALI SALEEBAN EE WAQOOYIGA AMERICA
07/10/2011

Annagoo ah qurba joogta Beesha Cali Saleebaan ee Waqooyiga America, oo shirweyne balaaran ku yeeshay magaalada Minneapolis, iyadoo aanu kaga doodnay ifafaalayaasha cusub ee ku soo kordhay siyaasadda maamulka guracan oo ka sii daraya maalinba maalinta ka dambaysa.
Taas oo aan u aragno in ay keeni karto burburka wadajirka isbahaysiga beelaha Puntland, waxaana taas tusaale u ah, inta gobol ee ku dhawaaqday in ay ka go’een Puntland, markey arkeen in aanay dani ugu jirin ku sii negaanshaha Puntland, isla markaasna ay kaga badbaadayaan dhibaatooyinka joogtada ah ee uu maamulku u horseeday Puntland. Sidaas darteed, ugu horeyn waxaannu go’aansannay in aannu si xoog leh u taageerno baaqii iyo go’aanadii ka soo baxay shirkii beesha Cali Saleebaan ku yeelatay Dubai, UAE. 06/07/2011 (Riix halkan)
Waxaa shirweynaha qaybtiisii hore looga dooday falalka foosha xun ee taliska Puntland ku dhaqmay ayna ka mid yihiin iska horkeenida iyo isku diridda beelaha walaalaha iyo deriska ah oo waligood sida nabada ah ugu wada noolaa Puntland, isaga oo gaarsiiyey heer sidii gobolo badan oo Puntland ka mid ah looga abuuri lahaa colaad, iyadoo reer walba reer la isaga horkeeno, laguna cabsigeliyo reer hebel jidkaa loo fadhiyaa oo waa la dilayaa ee lacag bixiya aan idin kala badbaadinnee, waxaana sidaas door biday oo ku shaqaynaya maamulka sare ee masiirka dalka iyo dadka lagu aaminay.SII AKHRI

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...