Thursday 28 July 2011

Afhayeenka Ahlu Suna: Sarkaalkii ugu Sareeyey Shabaabka Galgaduud oo Dhaawac Culus uu soo Gaaray


Share
Muqdisho (RBC) Afhayeenka ururka Ahlu suna Sheekh C/laahi C/raxmaan Al-Qaadi ayaa maanta xaqijiyey in Sheekh Yuusuf Ciise Kaba-kutukade oo ahaa ninkii ugu sareeyey ururka Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud uu dhaawac daran ka soo gaarey weerar qarax ah oo shlay gelinkii dambe lagula eegtay deegaanka War xoolo.
Afhayeenka Ahlu suna ayaa sheegay in qarax miino oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab uu ku dhaawacmay Kaba-kutukade iyadoo rag fara badan oo ka tirsanaa ilaaladiisana ay ku dhinteen.
“Weerarkaasi waxaa ku naf waayey rag fara badan waxaana dadka ku dhaawacmay ka mid ah ninkii ugu sareeyey oo ay ku magacaabaan Kaba-kutukade oo dhaawac hais ah uu soo gaarey” ayuu yiri Al-Qaadi oo warbaahinta faahfaahin dheeraad ah ka siiyey qaraxii ay la beegsadeen Al-Shabaab.
“Sidoo kale waxaa goobta ragga ku naf baxay ka mid ah C/kariin Maxamed Maxamuud oo Shabaab ugu magacawnaa Madaxa wacyigelinta ,Axmed Dheere oo Shabaabka isna ugu magacaawnaa Taliye kuxigeen ,Axmed Calasoow oo garsoorka u ahaa” ayuu sii raaciyey hadalkiisa afhayeenka.
Al-Qaadi ayaa sheegay iny sidoo kale baaritaab ku hayaan rag ajaaniib ah oo sida uu sheegay weerarkaasi qaraxa ah ku dhintey kuwaasoo uu sheegay inay dib ka soo gudbin doonaan.
Hadalka afhayeenka Ahlu suna ayaa soo baxay iyadoo warar illaa xalay soo baxay ay sheegayeen in Sheekh Yuusuf Kaba-kutukade uu ku geeriyooday weerarka qaraxa oo ahaa miino dhulka loogu aasay gelinkii dambe ee Arbacadii shalay.
Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ururka Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud oo ay kaga hadleen weerarkaasi iyo khasaaraha uu geystay ama ay ku beeniyeen.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...