Tuesday 26 July 2011

Muqdishooy yaa ku Dumiyey? By Yasin Abdi Jama.

Naftaydaay wax ila garo,

gocoshada ka faalee,

Guyaal hore waxaa jirey goo gaa iyo cadalee,

malaha waa af-garashee iga gunud fariimaha…



Soomaalidii hore waxaa caado iyo dhaqan u ahaan jirtey inay in badan ay dareenkooda ku muujiyaan ama ku gudbiyaan qaab suugaaneed, sida Gabeyge, geereerka, guuroowga, heesaha, iwm.

Sidaa darteed ayaa waxaa layiri nin aad ugu fiicnaa cayaaraha miyiga laga cayaaro, ayaa habeen habeenada kamida wuxuu tagey meel cayaar lagu tumayo(dheelayo) isla mar ahaantaana cayaarta lagu dhabqinayo oo cayaarta hanaankeedu qaldanyahay. Ninkii oo aad uga caraysan sida cayaartu  u qaldantahay , ayaa waxaa laga sheegey inuu yiri oraahdan.

Nimanyohow is madax maray

sidii Mas caruura carsheen(ka xanaajiyeen)”



Waxaan uga gol leeyahay, wallee aniguna is madax maray markaan maqley wadaadkii wuxuu yiri: Muqdisho yaa Dumiyey?



Sayid Maxamed C/lle Xassan ayaa Gabaygiisii la oran jiray Dar Daaran wuxuu ku yiri

Niman yohoow dantay baan hadlaye iga Daliil qaata,

Dacwadeyda meeshaan u dhigo,

Fiiro dib u yeesha

waxaa jiray kulan Diineed(Mu’tamar) Bishan July 2-4,2011 ka dhacay wadanka Maraykan gaar ahaan Gobolka Minnesota, kulankan oo ay  ku casuunaayeen culumo uu kamid ahaa Shiikh Maxamed Idiriis. Kulankan Diineedkan oo dhaliyey doodo farabadan iyo Guux ka dhex abuurmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee degen Gobolka gaar ahaan intii ka qayb gashey Kulan Diineedkan (Mu’tamarkan). Muxaadaro qayb ka ahayd kulan Diineedkan oo lagu qabtey Masaajidka weyn ee Abubar As-Sadiiq ayaa sigaara waxaa ka dhashey Muran iyo Gacan kahadal uu dhib kasoo garey Dad Soomaaliyeed oo dhageysanayey Muxaadarada.



Sida aan dhageystey gacan ka hadalka waxaa dhaliyey erayo iyo su’aalo ka soo baxay Shiikh Maxamed Idiriis Afkiisa oo ay kamid ahaayeen Yaa Muqdisho Dumiyey?

Shiikh Maxamed Idiriis oo aan anigu shiqsi ahaan aqaaney mudo dheer kuna bartey wanaag fara badan sida baraarujinta iyo wacyi galinta jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool, ugargaarida caruuraha agoontaa iyo dhamaan dadka Soomaaliya ku dhibaateysan, ayaad moodaa inuu markan hogaaminayo Kacaan ama Olole cusub oo ka duwan kuwii hore looga bartey. Si kastaba ha ahaatee Qoraalkan u jeeddadiisu maahan inaan hada ku soo bandhigo ololahan cusub iyo meeshuu salka ku hayo ama meeshuu ku socdo iyo guud ahaan erayada ama luuqada cusub iyo gefefka taariikhda gali doona ee ka dhex-yeeray Kulan Diineed kan. Waxaa kale oo aana hada ka warami doonin sida Kulan Diineed kanu uga duwanaa kuwii hore ee ka dhici jirey Gobalka iyo guud ahaan wadanka Maraykanka.

Haduu Illaahy nafta nagu gaarsiiyo arimahaas waxaan ku faah faahin doonaa qoraalo u gaara oo aan ku sharixi doono. Laakiin hada maqaalkan waxaan  ku qaadaa dhigi doonaa su’aasha uu Shiikh Maxamed Idiriis dad weynaha weydiiyey taas oo ahayd, Yaa Muqdisho Dumiyey? Su’aashan oo aad moodid in ay baryahan dambe halheys u noqotey dad fara badan oo isugu jira Soomaali iyo kuwo aan Soomaali ahaynba. Ilaa xad aan xasuusto ninkii la’oran jiray Axmed Walad Cabdalla oo ahaa nin u dhashey wadanka Murutaaniya isla mar ahaantaana ahaa ninkii UNta u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya iyo Michael Ranerberger oo ahaa Safiirkii Maraykan u fadhiyey dalka Kenya oo Dad Soomaaliyeed ku leh idinkaa guryihiinii iyo Caasumadiinii Burburiyey ee maxaad Ethiopia u eedaynaysaan?



Waxaan filayaa Shiikh Maxamed Idiriis su’aashan wuxuu weydiinayey qofkasta oo Soomaaliya ama hortiisa ha fadhiyo ama yuusan joogine waana tan aniga igu kalifaysa in aan jawaab kabixiyo su’aashan maadaama aan ahay Muwaadin Soomaaliya oo su’aashanu qusayso ama kamida dadka su’aashan laweydiinayo.



Hadaba bal aan taariikhda aan wali duugoobin dacal ka iftiimiyo, diiradana saaro dambiilayaashii kala duwanaa ee dumiyey Muqdisho ee ka dhigey Dambuska iyo cidey kala ahaayeen.



Burburkii 1aad ee Muqdisho iyo markuu biloowdey.



Waxaan  shaki ku jirin inuu Burburkii 1aad ee Muqdishu billoowdey Bishii Dec 31,1990 oo ahayd maalintii uu Ururkii hubeysnaa ee USC soo galey magaalada Muqdishu dagaalna kula galey Dawladii uu Maxamed Siyaad Bare hogaamiyaha ka ahaa.

Dabcan Dadka barta Cilmi Nafsiga (Psychologists) ayaa waxay ka doodaan haduu nin wiilkiisa(cunigiisa) Qori udhiibo oo yiraahdo qof soo dil, oo wiilku dil sameeyo, su’aal ah yaa qofka Diley? Ma cunugaa Diley? Ma Aabihii cunuga diray baa Diley? Ma Qofkii iyo Warshadii Qoriga wax lagu diley sameeyaa diley? Ma xabada Qoriga ku jirtey oo qofka ku dhacdaa dishey? Ma Qoriga laftiisaa Diley?

Arintan waxaa lamida USC maxay ahayd? Ma Soomaali Barax tiran bay ahayd mise Midi daab keeda qolo kale hayso? Yaa soo diray? Ma ku saxneyd inay Xamar Soo weerarto mise maya? Ma gardarayd USC mise waa laga gar daraa? Ma Dawlada iyo Rijiimkii tala hayey bay USC duulaan ku ahayd mise Dalka iyo Dadkiisa?

Waxay u badantahay inaan Su’aalahan isku jawaab laga bixin doonin isku sina loo arki doonin, laakiin waxaan shaki iyo doodu ku jirin in USC ahaayeen Dad Soomaaliyeed laakiin Hubkii, Gaadiidkii, Shidaalkii, iyo tababarkii ay wateen uu  dhamaan kayimid Cadawgii umada Soomaaliyeed ee Itoobiya. Su’aashu marka waxey tahay Muqdishu Burburkeedii 1 aad ma Soomaali baa lahayd mise Itoobiya iyo kuwii ku garab taagnaa inay Soomaaliya burburiso? Tani waxay ilatahay waa Googaa Cadale? Aniga aragtideyda waxaan shaki iyo muran iiga jirin in Muqdishu Barburkeedii 1 aad uu ka dambeeyey  Garaad shisheeye oo ay ugu horeysey Itoobiya iyo dhamaantii intii rabtey in Soomaaliya la burbiriyo oo adeegsadey Gacmo Soomaaliyeed.



Dhaawac intee le’eg baa gaaray Muqdishu Burburkii 1aad?



Inkastoo aysan jirin cid haysa tirakoob rismi ah oo tilmaamaya(sheegaya) qasaaraha Muqdisho gaaray Burburkii 1 aad, hadana waxaan shaki ku jirin inuu aad uga yaraa dhamaan Burburadii ka asaga ka dambeeyey. Taariikhyahanka Soomaaliyeed Aw-Jaamac Cumar Ciise(waa ninka qoray Diiwaanka Gabayada Sayidka iyo Taariikhdii Daraawiishta) Buugiisa layiraahdo Qaran Jabkii Soomaaliya oo uu qoray 1994 wuxuu ku tilmaamayaa in Magaalada Muqdisho 90-95% (Boqolkiiba 90 ilaa 95) ay nabad qabtay markii Maxamed Siyaad Bare laga saaray. Sidoo kale wuxuu qoraagu sheegayaa in Illihii dhaqaalaha magaalada sida Warshadihii, Dakada iyo Eeriboorka, iyo dhamaan wasaaradahii magaaladu ay 100%100 nabad qabeen oo aysan wax Burbura gaarin markii Maxamed Siyaad xooga looga saaray magaalada. Sikastaba ha ahaatee Burburkii 1aad ee Muqdishu wuxuu istaagey markii Dawladii dhacdey Maxamed Siyaad Bare iyo ciidamadiisiina magaalada laga saaray.







Burburkii 2 aad ee Muqdishu



Burburkii 2 aad ee Muqdishu wuxuu sitoosa u biloowdey isla sanadkii 1991 dhamaadkiisii markii hubkii iyo tabababarkii Itoobiya asalka u ahayd ku dhex qarxay Muqdisho. Waqtiganu waa markii Ururkii USC u kala jabay 2 garab oo ay kala hogaaminayeen Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed. Burburkanu wuxuu ahaa mid aad uga xun, ugana dhaawac badnaa Burburkii 1 aad. Waa xiliga ay Suugaan yahano Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa Abwaankii Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) ka tiriyeen Gabayo. Abshir Bacadle oo tilmaan ka bixinayey xaaladii Muqdisho ee xiligaas ayaa Gabaygiisii waxaa kamid ahaa “Dushaa Biyaha loogu dhaamiyaa Daarihii Xamare, Dariiqyada waxaan kaga dusnaa Daayinoow Magane,.. Dal kaba waxaa kaharay Buushiyo Gaari Daxaleystey”. Waa marka uu abwaankii Gacal Xaayoow oo layaaban sida dhalinyartii Soomaaliyeed loogu cayaaray mustaqbalkoodii oo anta loo dhiibay Hub cadawgoodu soo dhiibay layiri isku xasuuqa, shacabka Soomaaliyeedna ku xasuuqa uu Guuroow ku lahaa

Dhalin yarada Soomaalidee

sida xun caadeysatey,

sinjigey badalate wixii sababay ceebalka

sahalaan jawaab uga rabnaa waa su’aal furanee”



Waa xiliga uu Axmed Naaji Sacad ku luuqeeyey “Xamar waa la xumeeyee ayaa xaal marin doonaa…” Waa xiliga uu nin Majaajileyste ahaa ku jawaabay mar la weydiiyey xaalada Muqdishu hadal micnihiisu ahaa “Xamar xabada Yaan yaadaa waa qaali laakiin dhiiga dadku waa raqiis”

Burburkaanu wuxuu socdey ilaa Burburkii 3 aad ee Muqdisho marti galisey ka bilowdey.



Burburkii 3 aad



Burburkii 3 aad ee Magaalada Muqdishu marti galisey wuxuu biloowdey markii Ciidamadii Maraykanku hogaaminayey oo ku socdey barnaamijkii loogu magac daray (Restore Hope) ay Muqdisho yimaadeen. Ciidamadunu sababihii ay Dalka u yimaadeen waxaa lagu sheegey 2 arimood oo kala ahaa.

1.      Inay Dadkii Soomaaliyeed ee Dalka Gaajada iyo Macaluusha ugu dhamaanayey ay quudiyaan oo lagaaran gargaar Bina’aadanimo.

2.      Inay Dalka xasiliyaan/dajiyaan oo lahelo Dawlad Soomaaliyeed.

In kastoo aqoonyahanka Soomaaliyeed isku Khilaafsanyhiin u jeedkii iyo wax qabadkii Ciidamadaan. Hadana waxaa ladhihi karaa aniga aragtideyda 2 da arimood ee aan kor ku soo sheegey mid wax fiican ayaa ka hirgaley kaas oo ahaa Quudinta Dadkii Gaajada iyo Macaluusha u dhamaanayey. Waxaa lasheegaa in Gobalka Baay(gaar ahaan caasumadiisa Baydhabo)  ay maalintii 300 qof Gaajo ugu dhiman jireen markii uu biloowdey Barnaamijkanu.

Barnaamijka qaybtiisa 2 aad oo ahayd in Dalka la dajiyo haba yaraatee waxba kama hirgalin. Sababihii ugu weynaa ee uu u dhaqaaqi waayeyna waxaa kamid ahaa kuwa soo socda.



1.Ciidamadanu markay Muqdishu yimaadeenba waxay isku dhaceen oo Dagaal iskala horyimaadeen Garab kamida 2 dii garab ee USC u kala jabnayd oo ahaa Garabkii uu Maxamed Faraax Caydiid hogaaminayey. Ciidamadunu waxay isticmaaleen dariiq(hab) kasta oo ay kula dagaali kareen Garabkii Soomaaliyeed ee ay dirirtu dhex martey. Waa markii ugu horeysey Taariikhda oo Magaalada Muqdishu marti u noqotey Duqaynta circa(hawada) oo ay Habeen iyo Maalinba garaaceen Dayuuradaha Dagaalka ee Ciidamadii Maraykanku. Waa xiliga Gantaalaha iyo Madaafiicda Goobta Garba siman loogu garaacay xaafadaha Magaalada Muqdisho.



Waxaan xasuustaa anigoo jooga dalka Kenya ayaan maalin waxaan soo galey Guri ay niman Soomaaliya ku cunayaan Qaad. Nimanka waxaa u sheekaynaya nin kamida nimanka Qayilaya. Ninku wuxuu sheegayaa inuu shaqaale ka ahaa ama lashaqeynayey Ciidamadii Maraykanka oo dagaalka kula jiray General Caydiid iyo Garabkii uu hogaaminayey. Wuxuu sheegayaa inuu si gaara uga tirsanaa dad loo xilsaaray inay soo helaan Guri ama meel uu Caydiid joogo habeen iyo maalinba. Wuxuu sheegayaa in loo dhiibi jirey Biyo ku jira Caagado aad u yar yar oo le’eg Caaga Siliingaha dadka lagu duro. Wuxuu yiri shaqadeenu waa inaan Biyahaas ku daadino Gurigii aan ogaano inuu Caydiid joogo ama imaanayo. Siduu asagu sheegayo Biyahan Gurigii lagu daadiyo waxaa arkaya Duuliyayaasha Diyaaradaha Dagaalka oo (Laser) ka Diyaarada ayaa qabanaya kadibna Guriga wey Duqaynayaan. Wuxuu sheegayaa inay shaqadaas dad ay asaga isla shaqeyn jireen ku dhinteen.

Waxaan ilaayo hada is weydiiyaa Dadka Soomaaliyeed oo ay dhexmartey colaado fool xun oo isugu jira kuwo qabiil iyo kuwo shiqsi ahaaneedba, imisa guri iyo dad Soomaaliyeed baa ku dhamaatey hawl galada noocaana hadey jireen. Imisa qof ayaase siqaldan u isticmaali kartay shaqooyinka noocan oo kale ah. Waxaan sidaa u leeyahay sida aan ka fahmay sheekada ninka asaga laftiisu inuu dad ka Aarsado ayuu rabay.

Waxaan shaki iyo doodu ku jirin in magaalada Muqdisho uu gaaray Burbur iyo dhaawac xoog leh waqtigan/xiligan uu socdey Burburkii 3 aad oo u dhexeeyey Ciidankii Maraykanka iyo USC garabkii uu hogaaminayey M. F. Caydiid.



Dad Soomaaliyeed oo goob joog ahaa waxey ii sheegeen in intii Ciidamadunu wadanka joogeen ay boob iyo dhac fool xun u geysteen hanti farabadan oo umada Soomaaliyeed lahayd. Hantidaas oo ay kamid ahayd duurjoogtii wadanka sida ugaarta, dhagaxaan iyo ciid lagu tuhmayo inay ahaayeen macdanta noocyadeeda kala duwan, iyo kheyraadka Badda oo si fool xun loo xaalufiyey. Qorshahani waxaad moodaa inuu ahaa qorshe ku hoos lamaanaa kuwii dalka ay u yimaadeen laakiin aan afka laga sheegin.





Si kastaba ha ahaatee Ciidamadii Muqdishu iyo dhamaan Dalka waxay  kabaxeen biloowgii 1995 ayagoon wax natiijaa ama faa’iido ah aan u soo hoyn ummada Soomaaliyeed iyo dhulkeeda midna marka laga reebo in waqtigii ay Dalka joogeen ay quudiyeen Dad badan oo Gaajo iyo Oon u dhamaanayey iyo Lacago fara badan oo Dalka soo galey kadibna dad Soomaaliyeed ka heleen shaqooyin iyo nolol maalmeedyo kale. Dhinaca kalana uu dagaalkii ay galeen geystey Khasaaro naf iyo maalba leh oo gaarey 2 da dhinacba.



Markii ay Ciidamadii baxeen magaalada Muqdisho waxey markale marti u noqotey Dagaal oogayaal kala xir xirtey xaafadahii magaalada Muqdishu sidaasna waxaa ku sii daba dheeraadey Burburkii Muqdishu. Dagaal oogayaashaanu waxay gaarsiiyeen magaalada Muqdishu heer aan dadka magaalada ku wada nool is arki-karin sanado. Heer xabada iyo madfacu ka mid noqdaan nolol maal meed ka dadka magaalada ku nool.



Waxaan xasuustaa anigoo ku jira Jaamacad ayaa Jaamacadii waxaa lagu soo bandhigey Filin Dokomentari ah oo Cinwaankiisu ahaa  “Mogadishu Talk” Xamareey hadal. Filinka waxaa soo bandhigey haayad kamida haayadaha Xuquuqu insaanka(Human rights). Filanka waxaa ka dhex muuqda mid kamida Dagaal oogayaashii Muqdisho oo inta Duqeeyey xaafado ay Guryo badan dhulka la simeen. Markaa kadib ayaa waxaa laweydiinayaa sababta uu u Duqeeyey Guryaha iyo dadka ku nool. Ninkanu wuxuu ku  hadlayaa Luuqada English ka wuxuuna u jawaabay sidan

“I have to and I should know what is going on and who is around the area” micnuhu waa sidan: waa inaan ogaadaa waxa meesha ka socda iyo cida meelaha joogta.



Waxaan kaloo xasuustaa dhacdo midan lamida oo uu sameeyey mid kale oo kamid ahaa dagaal oogayaashii Muqdisho. Dhacdadan waxaa laga baahiyey Idaacado & war is-gaarsiin kala duwan,  waxayna u dhacdey sidan: Dagaal oogahanu wuxuu Duqeeyey Guryo ay degeneyd Haayad kamida  Haayadaha  Gar gaarka Muqdisho ka shaqeynayey.  Kadibna duqayntii waxaa ku dhintey dad badan oo Soomaaliya. Ninkii Dagaal Oogaha ahaa waxaa la weydiiyey sababtuu dadka u laayey jawaabtiisiina waxay ahayd hadal micnihiisu ahaa:

“I want shaw the world  Mogadishu is not safe place”   Micnuhu waa sidan: Aduunkaan tusayaa inaan Muqdishu nabadi ka jirin.

Bal waa yaabe yaa u sheegey in Aduunka loogu faano nabad galyo xumo?.



2 dii dagaal ooge oo waxaas samaynayey maanta waa Xildhibaano iyo sharci ilaaliyaal ku jira Dawlada ay dad wadaado iyo Culumo sheeganayaa ku doodayaan inay qaadatey kuna dhaqanto Shareecada Islaamka. Shareecooy maxaa sharaftaada lagu ciyaaray.  Magaalada Muqdishu waxay mudo dheer ahayd agoon saqiira oo ku hoos nool nimankaas aan kor ku soo sheegney waxay sameynayeen.



Waxaa is weydiin leh yey Dagaal Oogayaashaanu u shaqeynayeen markay waxaan samaynayeen? Waxaa cad oo shaki uuna jirin in Dagaal oogashaanu dhamaantood ku xirnaayeen kana amar qaadan jireen Dawlada Itoobiya. Laakiin arintan in badan oo Dadka Soomaaliyeed kamida uma cadeyn, waxayse qof yar iyo mid weynba u cadaatey Sanadkii 2000 markii Dawlada Jabuuti qaban qaabisey Shirkii loogu Magac daray Carta oo ay ka soo baxdey Dawladii uu hogaaminayey C/qaasim Salaad Xassan.

Markaas ayaa Dawlada Itoobiya dalkeeda isugu yeertey dhamaan Dagaal oogayaashii Soomaaliya meel kasta iyo Gobol kasta oo ay ka joogeen Soomaaliya, waxaana loo sheegey inuu soo baxay Cadaw khatar ah oo layiraahdo Carta sidaa darteed waa inaad shaqadii hore ee aad hayseen meel iska dhigtaan oo hal meel uga soo wada jeesataan Carta iyo waxay wadato. Dhamaantood waxaa lagu mideeyey Urur loo bixiyey SRRC waxayna dhamaan xabad iyo Dagaal ka bilaabeen dalkii oo dhan marka laga reebo Waqooyi Galbeed (Somaliland).

Xasuuso wixii gumaad iyo dagaalo kadhacay Gedo, Bay iyo Bakool, Kismaayo, Xamar, Beledweyne, ilaa Garoowe iyo Boosaaso.

Wadaadada ku doodaya Muqdisho Soomali baa Burburisay aan su’aal idin weydiiyee Qab Qablayaashu ma Soomaali bay ahaayeen mise waxay ahaayeen shaqaale fulinayey amarka ninkii ay shaqada u hayeen? Jawaabta adinku ii soo sheega.



Burburkii 4 aad ee Muqdisho



Burburkii  4 aad ee Magaalada Muqdisho marti galisey wuxuu dhacay 2006 markii ay Ciidamada Itoobiya weerar qaawan ku soo qaadeen isla mar ahaantaana ay Gacanta ku dhigeen Magaalada Muqdisho. Waxaa la cadeeyey in xilgaas ay Magaalada Muqdisho soo galeen ciidan tiradoodu gaareyso ilaayo 70,000 (todobaatan kun) oo ciidanka Itoobiya ah. Waa xiligii 2 aad oo Muqdisho ku waa bariisatey Duqaynta Diyaaradaha qumaatiga u kaca. Ciidankanu wuxuu markuu magaalada qabsadey isla markiiba ka degey dhinac kasta, waxayna bilaabeen inay Burburiyaan dhamaan Ilihii dhaqaalaha magaalada sida Warshadahii yar yaraa ee wadanka ka hana qaadey burburkii ka dib, Suuqyadii wax lagu kala Iibsan jirey, iyo dhamaanba magaaladii.

Waa xiliga war bixin ay soo saartey haayada Human Right Watch lagu yiri “70% of houses in Mogadishu either destroyed or got damaged” micnuhu waa Boqolkiiba 70 Guryihii Xamar kuyaaley ama waa Burbureen ama dhaawac ayaa gaaray.

Waxaa layiri Rag Soomaaliya oo socda ayaa mid kamida wuxuu yiri “war xagee loo socdaa? Ninbaa u jawaabay oo wuxuu ku yiri “Meesha loo socdo nin ragana waa ogyahay Doqona loo sheegi maayo” waxaan kala jeedaa, u malayn mayo in qof Soomaaliya oo nool oo Damiir iyo Dadnimo leh u baahanyahay in loo sharaxo Burburkii Muqdisho ay Ciidamada Itoobiya u geysteen. Doqon maskaxda iyo damiirkaba Tikree ka noqoteyna ma astaahilo in waqti lagu lumiyo ama qancin loo raadiyo.



Burburkii 5 aad ee Muqdisho

Burburkii 5 aad ee Muqdisho waa midka hada socda. Waa midka ay garwadeenka kayihiin Ciidamada loo bixiyey Amisom ee kasocda wadamada Uganda iyo Burundi. Ciidamadanu waa Ciidanka kaliya ee heley Fursad Dahaba ama nasiibkii ugu badnaa ee Muqdisho iyo dad ka Soomaaliyeed ee kunool ay ku dabar goyn karaan(tir tiri karaan).

Waa Ciidanka la huwiyey magaca ah “Nabad Ilaalin”. Waa  Ciidanka wax  kasta oo dhib ah oo ay gaystaan aan cidina cambaarayn karin magacooda dartiis. Waa Ciidanka kaliya ee gumaadka ay gaystaan, sida Xasuuq, Duqayn, Kufsi, Barakicin, iwm aan Warbaahinta Aduunku sheegi karin caayina karin waayo waxay huwan yihiin magacii aan soo sheegnay ee ahaa Nabad Ilaalin. Ciidamadii Itoobiya markay Muqdisho qabsadeen mahelin fursad iyo nasiib intaas fara le’eg oo markasta waxaa caayi jiray ama  dhibka ay geystaaan baahin jirey war baahinta iyo haayadaha xaquuqul insaanka qaarkood. Kuwanu waa Ciidanka kaliya ee ku guuleystay inay qaarna Burburiyaan intii kalana xiraan Suuqii ugu weynaa ee ay taaley Hantidii ummada Soomaaliyeed (Bakaara) oo xataa Ciidankii Itoobiya ku guuleysan waayeen inay xiraan ama wada Burburiyaan. 



Wixii Ciidamo yimid Muqdisho waa Ciidanka kaliya ee Daliil iyo Difaacba ka heley Diinta Islaamka. Waayo dad Culumo sheeganaya ama loo arko inay miisaan Diineed Bulshada ku dhex leeyihiin ayaa waxay soo taagan yihiin in Ciidankanu yahay marti sharaf, marti u ah Dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidaa darteedna laga gar daranyahay, waxay gaystaana oo dhibana ayagu ku saxan yihiin.

Dadka ku doodaya inay marti sharaf yihiin, magaranayo inay isweydiiyeen Ciidamadan yaa dalka keeney?, goormay Dalka yimaadeen?, yaa dhaqaalahooda bixiya?, Goormay baxayaan? Hubka ay Muqdisho ku Burburinayaan xagee looga keenaa?, majirtaa Dawlad ama shiqsi Soomaaliya oo ay ka amar qaataan oo u sheegi kara inay joojiyaan Burburinta Muqdisho?.

Dabcan dad ka Soomaaliyeed intii uu Dalku Burburay waxay noqdeen Maalin la nool aan shaqo ku lahayn wixii shaley dhacay iyo waxa Bari dhici kara midna, laakiin ku walaahooba wixii markaas indhahoodu hayaan.

Si kastaba ha ahaatee ilama ahan in Muqdishu Taariikhdeeda marti galisey Ciidan ka khatar badan midka Amison ee waqtigan Burburinaya, waana ciidanka kaliya ee hadey dilaan qofka ugu dambeeya ee Soomaaliya wali ah Nabad Ilaalin. Waa ciidanka kaliya ee markuu rabana weerar qaadi kara markuu rabana difaac gali kara walina ah Nabad Ilaalin.



Waxaan weydiin lahaa wadaadka(Sh. Maxamed Idiriis) ee maanta dadka weydiinaya ama ugu caga jugleynaya caruurta Soomaaliyeed Muqdisho yaa Dumiyey? Ma Soomaali baadan ahayn? Ma gugaagaa yar oo saqiir baad tahay? Ma Garaad iyo garashaa wali kuu dhiman? Ma Muqdisho iyo Taariikhdeeda ayaad ka maqnayd?, ma kaligaa baa umada wax ka yaqaan? Ma waxay kula tahay in adigu dambiilayaashii Muqdisho dumiyey dambigooda ka masixi kartid ama qarin kartid? xagee ka kakeentey Muqdisho yaa Dumiyey?



Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Xoolo rag Uurna ka xisaabsan Afna ka tirsan. Sidaa darteed Muqdisho cidii Dumisey Uurna ka xisaabsan Afna ka tirsan. Wadaadka iyo dhamaan dadka  su’aashan dadka Soomaaliyeed weydiinayoow aniguna waxaan idin weynayaa ma shalaad dhalateen? mise Qabriyadaad ku jirteen markii Muqdisho la duminayey oo hadaad kasoo baxdeen?



Intaas waxaa ku dhan taariikhdii ahayd yaa Muqdisho Dumiyey oo dagaalka iyo Gacan ka hadalka ka dhalisay Masaajidka Minnesota iyo jawaabtii aan anigu ka bixin lahaa.



Wixii Gef iyo Gardaro ah ee maqaalka ku jira masuuliyadeeda anigaa iska leh waxaana diyaar u ahay inaan ka garbaxo cidaan u gefey.



Yasin Abdi Jama (Yasin Garad)

Gara0022@gmail.com

1 comment:

Anonymous said...

buy tramadol online cheap tramadol dosage forms - ordering tramadol online legal

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...