Sunday 31 July 2011

Afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab Abuu Muscab oo sheegay in Sarkaal Mareykan ah ku dileen dagaalada

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaaladii maalmahan ka dhacayay Magaalada Muqdisho ay ku dileen Sarkaal Mareykan ah oo dagaalada hogaaminayay.

Abuu Muscab ayaa sheegay inay hayaan cadeymo iyo Documentiyo, isagoo tilmaamay in Sarkaalkaas uu ahaa tababare Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, isla markaana mararka qaar dagaalada uu ka qeyb qaadanayay.

"Mujaahidiinta waxay ku dileen sarkaalkaas Mareykanka oo dhalad ahaa degmada Hodan, wuxuu ka qeyb qaadanayay dagaalka, Tababare ayuu ahaa, Documentiyo iyo tixraac ayaan heynaa, sida la socotaa Gaalada Afrikaanta in inta aysan imaan waxaa soo tababaray saraakiil Mareykanka, kuwana waa soo raaceen"ayuu yiri Abuu Muscab.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay inay soo bandhigayaan cadeymahaas iyo tixaarcyada ay hayaan, waxaana uu ka dhawaajiyay in dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Muqdisho ay ku dileen Saraakiil iyo Ciidamo fara badan oo ka mid ah kuwa AMISOM.

Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalo culus Al-Shabaab looga qabsaday dhul ballaaran oo ka mid ah deegaano ay horay u joogeen Shabaab, iyadoo hada Shabaabka ay soo koobmeyso deegaanada ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho oo halka maanta ay joogaan horay Dowladdu u joogtay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...