Wednesday 13 July 2011

Al-Shabaab oo Shaqaale Ka Tirsan Hay’adaha Samafalka Ka Afduubtay Magaalada Baydhabo


Muqdisho (RBC Radio) Ururka Al-Shabaab ayaa labo ruux oo ka tirsan hay’adaha Sama falka waxa ay ka afduubteen magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.
Ciidamada ururka Al-Shabaab ayaa la sheegaya in labadaan ruux oo Soomaali ahaa una shaqaynayay hay’adaha sama falka in ay kaxeesteen.
Waxaa la sheegay in labada ruux oo ay Afduubka u geesteen Al-Shabaab ay qiimaynayeen xaalada Abaaraha ee gobalada Bay iyo Bakool oo ay xiligaan ka jiraan Abaaro baahsan.
Arintaan ayaanan waxa aanan la ogayn waxa ay ka danbaysay ilaa iyo iminkana ma jirto wax war oo ka soobaxay Al-Shabaab oo ku aadan Aeintaan.
Waxaan taaladaba ay qaadeen Al-Shabaab ay ku soo adayaxaa xili dhowaan Afhayaynka Al-Shabaab uu sheegay in ay soo dhowaynayaan dhamaanba hay’adaha Samafalka ee doonaya in ay gar gaaraan dadka ay abaauru ay saameen.
Sidoo kale arintaan ayaa waxa ay imaanaysaa xili abaaro baahsan ay heestaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobalada Soomaaliya kuwaasi oo xiligaan u baahan gar gaar deg deg ah.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...