Thursday 14 July 2011

Dhageyso Waraysiga Kulul ee Golaha Baraarugga Islaamku la Yeeshay mid ka mid ah Culumada Soomaaliyeed, Sheekh Xasan Maxamuud Takar.



Golaha Baraarugga Islaamka:-
Horta sheekh Xasan Maxamuud Takar wuxuu ka mid yahay culumada Islaamka ee ka soo baxay jaamacad Islaam. Wuxuu ka soo qalin jabiyey Jaamacadda Madiina, kulliyaddeeda Xadiiska. Sheekhu wuxuu jaamacadda kaga horreeyey culumo waaweyn oo laga yaqaan Soomaaliya sida sheekh Umal iyo sheekh Shibli iyo kuwa kale.
Ilaahay cidna uga tazkiyeyn meynno laakiin sheekhu waa nin aan la gabban Xaqa. Horay isagoo Gaalkacyo jooga buu taageeray Midowgii Maxkamadaha 2006-dii wuxuuna ka hadlay saxaafadda.
Waraysigu caawa wuxuu taabanayaa qoddob badan oo xasaasi ah. Wuxuu ku bilowmayaa Tigreega waddanka weerarka ku soo ah. Waxaa laga hadlayaa culumada iska gabaday ee sheeko kale gashay. Culumada hadba is bedbeddelaysa.
Arrintii heshiiskii Ibraahim-dheere iyo Zenawi. Masaajidka Safiirka la geeyey. Booqashada Cabdi Iley. Kacdoomada. Culumada Sacuudiga oo taageeray bannaanbaxyada waddamada kale; una diiday Sacuudiga?
Markaan dhahnno xaggee waraysigu ugu xiiso badan yahay? Ma bilowga mise dhexda mise dhammaadka?! Meel kasta waxay la timaaddaa qaraa’in tuseysa inaan laga xiiso badneyn marka waa kala saari weynay. Marka biyo sacabbadaadaa looga dhargaa ee ka bogta waraysiga dheer. Inkastoo waraysigu dheer yahay haddana ma dareemaysid waqtiga waxyaalaha looga hadlayo oo muhiin ah darteed.

Halkan ka dhageyso waraysiga aan la yeelannay sheekh Xasan Maxamuud Takar.

Golaha Baraarugga Islaamka
Somalimidnimo.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...